FREQUENTLY ASKED QUESTIONS Saint Paul Public Schools Strategic Plan: Strong Schools, Strong Communities:

Similar documents
Waxaa Suurogal Ah In Lagu siiyo Macaashka kabitaanka ah ee Lambarka Bulshada (SSI)

Ask Remote Assistance Windowsxp iyo Windows7

Substance Abuse or Dependence

OVERACTIVE BLADDER AND URGENCY KAADI-HAYSTA KACSAN IYO DEGDEGGA

Sida Cuntooyinku u Saameeyaan Sonkorta Dhiiga: Hage loogu talogalay Bukaanada Soomaalida ee Sonkorowga qaba

Ammaanka Kursiga Baabuurka iyo Kuraasta Buustarka

QAYBAHA UU KA KOOBANYAHAY DARYEELKA CAAFIMAADKA DEGMADA DAKOTA OGEYSIISKA KU SAABSAN DHAQANKA ASTURAN


Outreach. Newsletter SOMALICAN SOMALI. Inside this Issue: ENGLISH. Tusmada Caddadkan: Volume 2, Issue 4 APRIL, 2010

Small Business Health Options Program - SHOP (Barnaamijka Fursadaha Caafimaadka Shirkadaha Yar-yar)

Somali CANCER AWARENESS IN THE MUSLIM COMMUNITY INFORMATION SHEET KA WACYI-GELINTA KANSARKA BULSHADA MUSLIMKA AH WARQADDA MACLUUMAADKA

Find Hidden Words (Decoding Strategy)

INTRODUCING THE INAUGURAL ENTREPRENEUR S RESOURCE EXPOSITION.

Somali Glossary of Special Education Terminology

Repairs and maintenance

naafaynta saxaaxa dumarka

EACH. Enabling Change Rebuilding Lives EACH. Enabling Change. Rebuilding Lives

Cid waliba waxa ay haysaa hadal ay odhan lahayd

Story 3 The Cat and the Mouse. A long time ago there was a cat and a mouse that. agreed to travel together. As they walked along, the cat s

Back to School. What s inside. Translation

SAY FGM WAXYEELAYNTA SAXAAXA HAWEENKA. Batulo Essak, Eriikka Sailo & Kati Illahe

Xeerka iyo magangelyada Dublin II. Horudhaca gaaban ee dadka magan-gelyo doonkaee jooga Yurub dhexdeeda

Active Range of Motion Exercises: Wrists, Elbows, Forearms and Shoulders

BACK TO SCHOOL IS HERE!

Miralax and Dulcolax Bowel Prep for Colonoscopy

Daryeelka Naftaada Kaddib Marka aad Dhasho

i Urtehagen barnehage på Grønland i Oslo

Be Our Partner for Safe Health Care

EMPLOYMENT AND SUPPORT ALLOWANCE

A claim form for Housing Benefit and Council Tax Support

BUUG TILMAAMEED AH XILI DHALAAN KA GUDUBKA

Housing List Application

MRI (Magnetic Resonance Imaging)

Fo ræ ld reti lfred s h eds u nd e rs ø gelse. BøRNOG"''"' M Aarhus Kommune. Parent satisfaction survey ,!l rl:-) ç9r Èñil Lptll ct: r..,!

Housing List Application

Marka uu ilmuhu hadli waayo maxaynu samaynaa markaa?

Get free help with your taxes. Youth kick off recycling effort at four KCHA properties

Arthritis. Signs of Arthritis

Cancer Screening for Men

Tilmaanta Bukaan-socodka: Isu Diyaarinta Qaliinka/Hawsha Caafimaadka A Patient s Guide: Preparing for Your Surgery/Procedure (Somali)

Empty Properties advice and information. abcde. Because homes were built to be lived in.

Carers Count. Findings from the Carers Survey

Parkinson s Disease. Signs. Your Care

TOWER HAMLETS MENTAL HEALTH AND WELL BEING SERVICES DIRECTORY

Preventing Infections When Your White Blood Cell Count is Low

How to make a complaint about your care

Looking after your new kitchen and bathroom

War and Peace: An anthology of Somali literature. Suugaanta Nabadda iyo Colaadda. Introduced and edited by / Iskudubbaridkii iyo gogoldhiggii

Idris Ahmed. Young lives full of promise. Favorite Subject: chemistry College Plan: Stanford University


Got it covered? We can help you prepare for the unexpected

A community-based newspaper serving the Puget Sound area since The newspaper of Neighborhood House BY CECILIA MATTA.

Social Services for Adults. Services for people with physical impairments

Early Childhood Family Education (ECFE)

Home Appreciation Loan Equity release with no monthly repayments PRIVATE SECTOR HOUSING INFORMATION LINE


How to Quit Smoking. Getting Ready to Quit

TENANTS GUIDE. Repairs and improvements

Repairing and Maintaining Your Home. Repairing and Maintaining Your Home. Great homes, positive people, strong communities

PreK-12 FEBRUARY 16, 2016

PREK-12 SCHOOL SELECTION GUIDE FEBRUARY 20, 2015 SCHOOL APPLICATION DEADLINE: IT'S TIME TO CHOOSE A GREAT SCHOOL APPLY ONLINE

MCA Data Discoveries

Promoting and Supporting

Paying your rent You ve got nine easy ways to pay

Acute Neck Sprains. Emergency Department. Information for Patients

Evaluation of Minnesota s Race to the Top-Early Learning Challenge Access Strategies: Scholarships and Title I PreK Incentives- Year 2

Managing Menopause. Signs

Asbestos in the Home. Guidance for tenants

You Y r ou ho ho e Asbestos

Evaluation of Minnesota s Race to the Top-Early Learning Challenge: Scholarships and Title I PreK Incentives

B A B I V H A S I L P E N E L I T I A N D A N P E M B A H A S A N

DIIWAANKA EREYBIXINTA AF-SOOMAALIGA

Assured (non shorthold) Tenancy Agreement

Your close and backcourt maintenance services

Sheltered housing in Islington

Prostate cancer follow-up Who do I call if?

Housing Register application for Housing Association tenants

Refuse and recycling storage for new dwellings Planning guidance. December 2013

Parent Information for USING A NASOGASTRIC TUBE

Money worries? Strong Communities, Excellent Services, Decent Homes

Housing Application Form

South Dakota DOE Report Card

Trailblazing Project Management: A Collaborative Approach to Deploying Student Digital Devices. Frederick County Public Schools

WORLD S BEST WORKFORCE PLAN

St. Paul Children s Collabora4ve. Youth Master Plan Data Update 2014

Breast feeding your baby

Early Childhood Family Education (ECFE)

Healthy bladder guide Information for patients

Program Application

CONGRATULATIONS! It s time for Kindergarten! YOUR GUIDE TO KINDERGARTEN ENROLLMENT SCHOOL YEAR

Fingertip UTAH STATE OFFICE OF EDUCATION East 500 South P.O. Box Salt Lake City, UT

MINNESOTA POSTSECONDARY IT DEGREE COMPLETIONS, Levi Thiele, PhD September 22, 2014

SOLUTIONS FOR PROBLEM SET 2

ANNUAL PROGRAM REVIEW MS IN COUNSELING SCHOOL COUNSELING CONCENTRATION

School Sixth Form Performance and Assessment Report

Each company reporting as part of a group, completed Addendum A and is included with the Group Report. Group Name:

Bowler School District Bowler, Wisconsin. First-Year Report: Fall 2005 Data

INDIANA SCHOOLS PROFILE RE-IMAGINING TEACHING AND LEARNING

South Dakota DOE Report Card

Central and North West London NHS Foundation Trust. Change to CNWL Max Glatt Unit: Consultation document.

Transcription:

FREQUENTLY ASKED QUESTIONS Saint Paul Public Schools Strategic Plan: Strong Schools, Strong Communities: 2014-2019 Marka la gaaro dhamaadka sanad dugsiyeedka 2013-2014 Waxay soo afjaraysaa Wajigii koowaad ee barnaamijka qorshaha istraatiijiga ah ee Strong Schools, Strong Communities ee wanaajinaya waxbarashada ardayda oo dhan kala sooc la aan cududaar la aan. Sanadii 2011 waxaan biloownay to hayaan aad loogu hanwaynaa lagu doonayey in lagu wanaajiyo sidii ay ardaydeenu waxbarashada guul uga gaari lahaayeen isla markaana lagu wanaajinayo habka ay iskuuladeenu u shaqeeyaan. Intaa wixii ka dambeeyey waxaan taaba galinay waxyaaba badan si aan ardayda u siino waxbarasho tayadeedu heerka koowaad tahay oo gurigana u dhoow, balse wili waxaa harsan shaqo badan oo loo baahanyahay in la qabto si loo dedejiyo guusha ardayda lala tiigsanayo. Ayadoo shaqada lagu duldhisayey sadexdii sano ee tagay dugsiyada dadwayaha ee Saint Paul waxay bilaabayaan wajigii labaad ee qorshaha istaraatiijiga ah ee lagu magacaabo Strong Schools, Strong Communities 2.0 (SSSC 2.0), waana qorshe shan sano soconaya. Ayadoo uu asaaskii dhiganyahay, waxaan dib nadiifinaynaa halka aan diirada ku hayno oo aanu waliba aad wax uga sii qabanaynaa si aan ugu dabaaldegno waxbarashada ardayda oo dhan ee sadexdeena hadaf ee istaratiijiga ah: 1) Guul Kaabid: Waa hadaf lagu hananayo waxbarasho heerkeedu aad u sareeyo oo ardayda oo dhami u simantahay oo ay garka u hayaan hogaan wanaagsan oo adag, manhaj heerkiisu sareeyo iyo go aan cilmibaaris lagu xaqiijiyey. 2) Iswaafajin: Agaasinka iyo iswaafajinta barnaamijyada iskuulka si loo meelmariyo waxbarashada ardayda. 3) Hirgalin: in aan si ku filan oo meel mar ah miisaaniyadayada u go aamino si aanu meesha ugu saraysa u gaarsiino tacliinta iyo waxyaabaha tacliinta taageera ee fasalada laga heli karo oo aan u abuuro qorshe waxbarasho oo maxsuulka higsanaya.. Macluumaadka soo socda ee Su aalaha Had iyo jeer La iswaydiiyo ayaan idiin soo bandhigaynaaa: Macluumaadka asaasiga ah ee Qorshaha Istaraatiijiga ah ee SSSC 2.0 Saamaynta qorshahaani ku yeelanayo qoysaska iyo ardayda Ka qayb qaadashadeeda iyo wax ka korodsashadeeda MACLUUMAADKA ASAASIGA AH EE QORSHAHA CAALAMIGA AH-SSC 2.0 1. Sidee ayaa qorshaha istaraatiijiga ah ee cusbi uga duwanyahay kii hore? SSS 2.0 maaha runtii maaha qorshe cusub, balse waxaa la sii ambaqaadayaa shaqadii la soo qabtay wajigii koowaad ee qorshaha istaraatiijiga ah kaas oo soosocday mudadii sadexda sano ahayd ee u dhexaysay 2011-2014. Wajigaa hore ee qorshaha istaraatiijiga ah isbadalo muhiim aha ayaa laga sameeyey sidii degmadu iyo iskuuladu ay shaqadooda ugu wajihilahaayeen sidii arday waliba uu wax u baran lahaa, wakhtigii loogu talagalay u qalin jabin lahaa oo uu ugu diyaar garoobi lahaa kuleejka iyo shaqada. Qaar ka mid ah isbadaladaan waxaa ku jira in ardayda wax ku bartaan meel guriga u dhoow oo laga furay barnaamijyda tubta tacliinta oo iskuulada xaafadaha lagu daray; oo loo dhisay in laga siiwado fasalada K-12 oo lagu dhigo tubta tacliinta ee barnaamijyada magnetka ee meelkasta laga soo aadi karo ayadoo maamulaha lagu caawinayo inay noqdaan hogaamiyayaal awood leh iyo arimaha kale. (wixii faahfaahin dheeraad ah ee la xiriira waxyaabihii la soo qabtay wajigii koowaad ee SSSC fadlan waxaad ka eegtaa Wada Shaqaynta Wanaagsan Si Ardayda Guusha Loogu Taageero. January 22, 2014 Strong Schools, Strong Communities FAQ Saint Paul Public Schools Phone: 651-767-8110 communications@spps.org Page 1

Ayadoo uu asaaskii dhiganyahay, inta lagu jiro SSSC2.0 waxaan aad uga shaqayndoonaa inaan dedejino waxbarashada ardayda ayadoo loo marayo shan qaybood oo diirada lagu hayo oo ka sii baxa sadexda hadaf ee qorshaha istaraatiijiga ah: HADAFKA ISTARAATIIJIGA AH Hadafka 1-aad: Guul Kaabid Hadafka 2-ka: Iswaafajin Hadafka 3-aad: Hirgalin MEELAHA DIIRADA LAGU HAYO 1. Dib u Qaabaynta Sinaanta Isirada 2. Waxbarashada Shakhsiga ah 3. Diyaar garoowga Kuleejada iyo Shaqooyinka 4. Barnaamijka iskuulada ugu wanaagsan oo la waafajiyo tubta tacliinta ee PK-12 5. Nidaam taageeraya waxbarasho tayadeedu tahay heeraka koowaad. 2. Hoos ma u dhigteen faraqa ama kalatagsnaanta u dhexaysa (achievement gap) ardayda midabka leh iyo ardayda Maya. Anagoo jecel inaan ugu yeero Faraqa fursad ahaaneed si loo aqoonsado ardayda midab leh inta badan marin ama dariiq sahlan uma helaan khayraadka ay haystaan ardayda cadaanka ah ee facooda ahi taas oo ka jirta dugsiyada Dadwaynaha ee Saint Paul. Waxaan dareemaynaa inaan si degdeg ah ugu baahantahay inay tani dhamaato, laakiin waxaa cad inay u baahantahay in ka badan sadex sano si loo xaqiijiyo isbadalada hay adeed kuwa shaqo, iyo shakhsi ee loo baahanyahay in la meel mariyo si wax looga qabto dhibaatooyinka waxbarasho ardaydeena madoow haysta. Sikastaba ha ahaatee, waxaa jira war wanaagsan iyo waxyaabo badan oo la qabtay sadexdii sano ee la soodhaafay waxyaabaha kaabitaanka guusha ee ardayda laga qabtay waxaa ka mid ah: Nevertheless, there is good news and progress made during the past three years around student achievement: Xadiga Qalinjabinta oo khodhay* ardayda oo dhan, waxaa ku siyaaday+7 dhibcood boqolkiiba wuxuuna gaaray 66% marka loo eego fasalkii qalin jabinayey 2012 oo ahaa 59% iyo fasalkii qalin jabinayey 2009. Xadiga qalin jabintu wuxuu kordhgay qaybaha kala duwan ee ardayda: +5 dhibcood boqolkiiba ardayda African American-ka ah (52% to 57%) +7 dhibcood boqolkiiba Asian American-ka ah (63% to 70%) +15 dhibcood boqolkiiba ardayda Hispanic-ga ah (44% to 59%) +22 dhibcood ardayda American Indian ah (31% to 53%) +4 dhibcood ardayda Caucasian-ka ah (73% to 77%) *Dhamaan xadiyada qalin jabinta ee halkaan lagu soo bandhigay waxay ka yimaadeen wasaada waxbarashada Minnesota Minnesota Department of Education (MDE) qaybta celcelinta. Buundooyinka Imtixaanada MCA ayaguna korbay u kaceen: January 22, 2014 Strong Schools, Strong Communities FAQ Saint Paul Public Schools Phone: 651-767-8110 communications@spps.org Page 2

Xarfada Wax akhriska: Arintaani waxay kor u kacday 5 dhibcood boqolkiiba, taas oo gaadhay 52% ilaa 57% laga bilaabo 2009-2010 ilaa 2011-2012 Aqoonta iyo xarfada xisaabta: Waxay kor u kacday 3 dhibcood boqolkiiba, oo waxay gaadhay 41% ilaa 44% laga bilaabo 2010-2011 ilaa 2012-2013 Wasaada Waxbarashada Minnesota Multiple Measurements Rating (MMR): 10 (23%) ka mid ah 44 oo lagu qiimeeyay MMR sanadii 2012 iyo 2013 waxay wanaanijyeen heerka aqoonta iyo waxbarashadooda Oo ka mid ah 10 iskuul oo ku jira inay heer waxbarashadooda wanaajiyaan sidoo kale iskuulada Humboldt iyo Phalen Lake waxay kor u boodeen laba leebal oo dhan Laba iskuul oo kaliya ayaa hoos uga dhacay qiimayntoodii MMR Iksuulada Monroe, Harding, Washington schools waxay gaareen 2013-kii meel ay uga dabaal degaan halka ayka marayaa wanaajinta waxbarashada In Ardayd Badan loo diyaariyo kuleejka iyo shaqooyinka r: Maadooyinka heerka sare ahi waxay kordheen 3 dhibcood boqolkiiba (63% intii lagu jiray 2012-13 laga bilaabo 57% intii lagu jiray 2009-10) Imtixaanka ACT ee kuleejka lagu galo ardayda ka qaybqaadanaysaa waxay kordheen 6 dhibcood boqolkiiba (63% intii lagu jiray 2013 laga bilaabo 57% intii lagu jiray 2010) Kaqaybgalka barnaamijka AVID (ee ah barnaamij kuleejka loogu diyaar garoobo) waxay kor u kaceen 1,042 ilaa 1,384 (33%) intii lagu jiray xiligii jiilaalka 2013 Arday dheeraad ah ayaa fasalada wax ku baranaysa oo cayrintii ardaydu waxay hoos u dhacday 38% laga bilaabo 2010-11 ilaa 2012-13 waana arin loogu talagalay in fasalada ardayda lagu hayo oo aan la eryin Barnaamijka Parent Academy waxaa ka soo qalinjabiyey as 1,980 waalidiin ah laga bilaabo sanadkii 2011 ilaa 2013, taas oo lagu gaadhay hadafkii ahaa 72% (2,736) marka la gaaro xiliga gu ga 2014 3. Sideed ku sii wadyasaan inaad wax ka qabataan faraqa u dhexeeya waxbarashada ardayda inta la meel marinayo SSSC 2.0? Shaki la aan waxaan u baahanay inaan gaaro arday badan sidegdeg ah sidaa darteed ardayda ardaa oo dhami waxay helayaan marin loo simanyahay taageeraya tacliintooda iyo barnaamijyo wanaagsan oo la gaarsiiyo. Ayadoo uu nidaamkii hadda degsanyahay oo la raacayo SSSC 2.0 waxaan diiradayada saaraynaa inaan dadajino guulaha ay ardaydu ka soo hooyinahyaan waxbarashada anagoo isticmaalayna istiraatiijiyadaha soo socda: Guul Kaabid: 1) Dib u Qaabaynta Sinaanta Isirada 2) Waxbarashada Shakhsiga ah 3) Diyaar garoowga Kuleejada iyo Shaqooyinka Iswaafajinta: January 22, 2014 Strong Schools, Strong Communities FAQ Saint Paul Public Schools Phone: 651-767-8110 communications@spps.org Page 3

4) Barnaamijka iskuulada ugu wanaagsan oo la waafajiyo tubta tacliinta ee PK-12 Hirgalinta: 5) Nidaam taageeraya waxbarasho tayadeedu tahay heeraka koowaad. Wixii faahfaahindheeraad ah waxaad ka fiirisaa SSSC 2.0 Overview. SAAMAYNTA ARDAYDA IYO QOYSASKA (IMPACT ON STUDENTS AND FAMILIES) 4. Majiridoonaa isbadalo dheeraad ah oo iskuulada ku soo kordha? Ilmahaygu ma u baahandoonaan inay iskuulka badashaaan? Maya. Sanad dugsiyeedka 2013-2013 wuxuu soo afjarayaa isbadaladii waawaynaa ee iskuulada ka socday sida dib u qaabayntii ka socotay dugsiyada dhexe/sare (fasalada 7-8) ilaa iyo dugsiyada dhexe (fasalada 6-8) ama samayntii dugsiyada hoose ee laga dhigay K-5 taas oo ahayd isbadal degmada oo dhan ah. Majiraan wax isbadal wayn ah oo degmada oo dhan ka socdaa wax kaliya ee socdaa waa qorshaha SSSC 2.0 kaas oo saamayn wayn arday badan ku yeelanaya. Si kastaba ha ku ahaatee, waxaa laga yaabaa inay soo baxaan isbadalo yaryar oo dhoowr ah oo ardayda saamayn ku yeesha, sida in barnaamijyada ardayda qaarkood meelo cusub loo wareejfiyo si loo hubiyo in ardaydu ay wixii loogu talagalay baranayaan oo baahidooda waxbarasho la kafaynayo iyo/ama in dib loo qaabeeyo xuduudaha Eeriyayaasha iskuulada si loo habeeyo sida degaamadu isku badlayaan 5. Majiridoonaan isbadlo kale oo dhinaca gaadiidka ku yimaada/ama basas ka oo isbadala? Maya. Sanad dugsiyeedka 2013-2014 wuxuu soo afjarayaa isbadaladii basaka iyo wadooyinkooda lagu samaynayey. Inkasta oo anay jirin isbadalo waawayn oo dhinaca basaska lagu samaynayo inta lagu jiro SSSC2.0, Isbadalo yaryar ayaa laga yaabaa in basaska qaarkood lagu sameeyo si la isu waafajiyo waxyaabaaha aan la saadaalin karin ee soo bixi kara mustaqbalka iyo qorshaha cusub sida kororka ku imaankara dadka xaafadaha qaarkood degan ama haddii ay tahay in miisaaniyada gobolku isbadasho. 6. Ma waxaa jira isbadalo ku imaan kara wakhtiyada iskuulku biloowdo? Waxaa laga baaraan degayaa iskuulo sare biloowda wakhti ka dambeeya wakhtiga ay hadda biloowdaan subixii sababtoo ah cilmibaarista ayaa muujinaysa inay dadka da yarta dhalin yarada ahi u baahanyihiin hurdo dheeraad ah. Hase yeeshee arima badan ayaa loo baahanyahay in la tixgaliyo inta aan arintaan gudoonka waxbarashada degmada la horgaynin, taas oo laga yaabo inay dhacdo dhamaadka xiliga gu ga ee 2014. Sida ugu horaysa ee isbadalo ugu imaan karaan dugsiyada sare waa haddii ay meel mar noqdaan sanaka 2015-2016. Haddii aad wax su aal ah arintaan ka qabto la xiriir Jacqueline Allen at 651-767-8295 ama jacqueline.allen@spps.org. 7. Ma jiri doonaan barnaamijyo cusub oo laysku bacalan karo? Si aan had iyo jeer u meel marino baahida waxbarasho ee fac kasta oo ardayda ah, waxaa shardi ah inan ka jawaabno isbadalada shaqooyinka iyo sidoo kale danaha qoysaskas iyo ardaydooda. Taa anagoo maskaxda ku hayna waxaa dhici karta inay soo baxaan barnaamijyo cusub oo lagu darayo SSSC 2.0, balse ma jiraan fikrado cad oo aan ilaa hada ognahay waxa ay barnaamijyadaasi noqonayaan. January 22, 2014 Strong Schools, Strong Communities FAQ Saint Paul Public Schools Phone: 651-767-8110 communications@spps.org Page 4

8. Ma jiridoonaan barnaamijyo dheeraad ah oo loo heli karayo faslada prekindergarten-ka? Haa. Qoysasku waxay helayaan barnaamijyo badan oo prekindergarten ah oo ay ka kala dooran karaan magaalada daafaheeda, inkastoo aan ilaa hada la ogayn meesha iyo goorta ay noqonayso. Dugsiyada SSPS waxay wadashaqayn dhoow la leeyihiin barnaamijyo PreK ah oo gooni loo leeyahay kaas oo ay qoysas badani ka heli karaan tacliinta hore ee dhalaanka. Wixii intaa dheer waxaad la xiriiri kartaa Jacqueline Allen at 651-767-8295 or jacqueline.allen@spps.org. KA QAYB QAADO OO WAXNA KA BARO GET 9. Goorma ayaa gudoonka waxbarashada degmadu arintaan u cudoynayaa? Gudoonka Waxbarashadu waxay arintaan u codaynayaan Talaada, Maarso 18, 2014. Eeg kulamada wargalinta ee hoos ku qoran: XAALADA DEGMADA KHAMIIS, JANWARI 30, 2014 Kulamada Subaxii ee ganacsatada iyo bulshada aan hawl wadaagta nahay Kulamada galabtii ah ee qoysaska, ardayda iyo bulshada (turjubaano iyo dad caruurta kuu haya ayaa kuu diyaar ah) Aminta: 6:30-8 fiidnimop Goobta: Washington Technology Magnet (dhacdadaani waxaa toos ah looga soo tebinayaa TV 16 iyo bogga interneedka ee degamada) SHIRARARKA WARGALINTA BUSLSHADA/QOYSKA: Axad, Feebarwari 9; WEBINAR Saacada: 5-6 fiidnimo Goobta: Webinar- view online after Feb. 9 http://www.spps.org/strong_schools Khamiis, Feebarwari 13 (turjubaano iyo dad caruurta kuu haya ayaa kuu diyaar ah) Saacada: 6:30-8:00 fiidnimo Goobta: Como Park High School (Areas E/F; face-to-face presentation; live streamed on website) Khamiis, Feebarwari 27 (turjubaano iyo dad caruurta kuu haya ayaa kuu diyaar ah) Saacada: 6:30-8:00 fiidnimo Goobta: Washington Technology Magnet (Areas C/D; si toos aya arintaan loo soo jeedinayaa isla markaan waxaa la toos looga soo tabinayaa bogga degmada) Sabti, Maarso 8 (turjubaano iyo dad caruurta kuu haya ayaa kuu diyaar ah) Saacada: 10-11:30 subaxnimo Goobta: Harding High School (Areas A/B; si toos aya arintaan loo soo jeedinayaa isla markaan waxaa la toos looga soo tabinayaa bogga degmada) January 22, 2014 Strong Schools, Strong Communities FAQ Saint Paul Public Schools Phone: 651-767-8110 communications@spps.org Page 5

GOOBTA WARHILITAANKA: Haddii aad ka fakarayso kolay horay loo bilaabo - Sabti, Feeb. 22 (turjubaano iyo dad caruurta kuu haya ayaa kuu diyaar ah) Saacada: 12 duhurnimo 3 galabnimo Goobta: Johnson High School SHIRARKA WARGALINTA SHAQAALAHA (shaqaalah SPPS oo kaliya): Khamiis, Feebarwari 6 - oo ay ka qayb galayso Gudoomiyaha waxbarashadu Valeria Silva Saacada: 7:30-9:00 subaxnimo Goobta: American Indian Magnet Jimce, Feebarwari 7 - Brown Bag with Michelle Walker, Chief Executive Officer Saacada: 12-1:30 pm Goobta: 345 Plato Khamiis Feebarwari 20 Saacada: 4:30-6:00 pm Goobta: Ben Mays Soojeediye: Jackie Allen, Assistant Director - Strategic Planning and Policy; Ryan Vernosh, Administrator - Strategic Planning and Policy Talaada, Feebarwari 25 Saacada: 2:30-4:00 pm Goobta: Central High School Soojeediye: Jackie Allen, Assistant Director - Strategic Planning and Policy; Ryan Vernosh, Administrator - Strategic Planning and Policy Talaada, Feebarwari 11 Saacada: 7:30-9:00 am Goobta: Groveland Park Elementary Soojeediye: Jackie Allen, Assistant Director - Strategic Planning and Policy; Ryan Vernosh, Administrator - Strategic Planning and Policy ### January 22, 2014 Strong Schools, Strong Communities FAQ Saint Paul Public Schools Phone: 651-767-8110 communications@spps.org Page 6