Dhabar xanuun. Xanuunka dhinaca hoose ee dhabarka ee af Ingiriis lagu magacaabo lumbago, 10kii qofood 7 ayuu waqtiga noloshooda wax-yeeleyn doonaa.

Similar documents
Waxaa Suurogal Ah In Lagu siiyo Macaashka kabitaanka ah ee Lambarka Bulshada (SSI)

Ask Remote Assistance Windowsxp iyo Windows7

Substance Abuse or Dependence

OVERACTIVE BLADDER AND URGENCY KAADI-HAYSTA KACSAN IYO DEGDEGGA


Ammaanka Kursiga Baabuurka iyo Kuraasta Buustarka

Somali CANCER AWARENESS IN THE MUSLIM COMMUNITY INFORMATION SHEET KA WACYI-GELINTA KANSARKA BULSHADA MUSLIMKA AH WARQADDA MACLUUMAADKA

Sida Cuntooyinku u Saameeyaan Sonkorta Dhiiga: Hage loogu talogalay Bukaanada Soomaalida ee Sonkorowga qaba

QAYBAHA UU KA KOOBANYAHAY DARYEELKA CAAFIMAADKA DEGMADA DAKOTA OGEYSIISKA KU SAABSAN DHAQANKA ASTURAN

Small Business Health Options Program - SHOP (Barnaamijka Fursadaha Caafimaadka Shirkadaha Yar-yar)

Outreach. Newsletter SOMALICAN SOMALI. Inside this Issue: ENGLISH. Tusmada Caddadkan: Volume 2, Issue 4 APRIL, 2010

Xeerka iyo magangelyada Dublin II. Horudhaca gaaban ee dadka magan-gelyo doonkaee jooga Yurub dhexdeeda

Find Hidden Words (Decoding Strategy)

MRI (Magnetic Resonance Imaging)

SAY FGM WAXYEELAYNTA SAXAAXA HAWEENKA. Batulo Essak, Eriikka Sailo & Kati Illahe

Daryeelka Naftaada Kaddib Marka aad Dhasho

Arthritis. Signs of Arthritis

Somali Glossary of Special Education Terminology

Parkinson s Disease. Signs. Your Care

Active Range of Motion Exercises: Wrists, Elbows, Forearms and Shoulders

Repairs and maintenance

naafaynta saxaaxa dumarka

Preventing Infections When Your White Blood Cell Count is Low

EACH. Enabling Change Rebuilding Lives EACH. Enabling Change. Rebuilding Lives

INTRODUCING THE INAUGURAL ENTREPRENEUR S RESOURCE EXPOSITION.

Cancer Screening for Men

Tilmaanta Bukaan-socodka: Isu Diyaarinta Qaliinka/Hawsha Caafimaadka A Patient s Guide: Preparing for Your Surgery/Procedure (Somali)

How to Quit Smoking. Getting Ready to Quit

Story 3 The Cat and the Mouse. A long time ago there was a cat and a mouse that. agreed to travel together. As they walked along, the cat s

A claim form for Housing Benefit and Council Tax Support

Carers Count. Findings from the Carers Survey

i Urtehagen barnehage på Grønland i Oslo

Cid waliba waxa ay haysaa hadal ay odhan lahayd

Be Our Partner for Safe Health Care

Back to School. What s inside. Translation

Fo ræ ld reti lfred s h eds u nd e rs ø gelse. BøRNOG"''"' M Aarhus Kommune. Parent satisfaction survey ,!l rl:-) ç9r Èñil Lptll ct: r..,!

Looking after your new kitchen and bathroom

EMPLOYMENT AND SUPPORT ALLOWANCE

Get free help with your taxes. Youth kick off recycling effort at four KCHA properties

Housing List Application

Managing Menopause. Signs

Housing List Application

Diabetes and Kidney Problems

Miralax and Dulcolax Bowel Prep for Colonoscopy

Home Appreciation Loan Equity release with no monthly repayments PRIVATE SECTOR HOUSING INFORMATION LINE

Marka uu ilmuhu hadli waayo maxaynu samaynaa markaa?

Got it covered? We can help you prepare for the unexpected


TOWER HAMLETS MENTAL HEALTH AND WELL BEING SERVICES DIRECTORY

BUUG TILMAAMEED AH XILI DHALAAN KA GUDUBKA

War and Peace: An anthology of Somali literature. Suugaanta Nabadda iyo Colaadda. Introduced and edited by / Iskudubbaridkii iyo gogoldhiggii

BACK TO SCHOOL IS HERE!

Your close and backcourt maintenance services

Refuse and recycling storage for new dwellings Planning guidance. December 2013


Empty Properties advice and information. abcde. Because homes were built to be lived in.

How to make a complaint about your care

Repairing and Maintaining Your Home. Repairing and Maintaining Your Home. Great homes, positive people, strong communities

Paying your rent You ve got nine easy ways to pay

Healthy bowel guide Information for patients

Safety Tips to Prevent Falls at Home

Early Childhood Family Education (ECFE)

Fuld Skolerapport for Søhusskolen, i Odense kommune, for skoleår 2013/2014 for klassetrin(ene) 9. med reference Tilsvarende klassetrin i kommunen

Fuld Skolerapport for Hunderupskolen, i Odense kommune, for skoleår 2013/2014 for klassetrin(ene) 7. med reference Tilsvarende klassetrin i kommunen

Healthy bladder guide Information for patients

DIIWAANKA EREYBIXINTA AF-SOOMAALIGA

Your Rights and Responsibilities

You Y r ou ho ho e Asbestos

Idris Ahmed. Young lives full of promise. Favorite Subject: chemistry College Plan: Stanford University

A community-based newspaper serving the Puget Sound area since The newspaper of Neighborhood House BY CECILIA MATTA.

Housing Application Form

Prostate cancer follow-up Who do I call if?

Acute Neck Sprains. Emergency Department. Information for Patients

Social Services for Adults. Services for people with physical impairments

Section 2 Assessment

B A B I V H A S I L P E N E L I T I A N D A N P E M B A H A S A N

Parent Information for USING A NASOGASTRIC TUBE

Central and North West London NHS Foundation Trust. Change to CNWL Max Glatt Unit: Consultation document.

swine flu take steps to stay well Get a flu jab, cover your coughs and sneezes with a tissue, wash your hands often, keep warm and quit smoking

Promoting and Supporting

handbook for residents at stable Way

What is Capsule Endoscopy?

Primary Care Plus Enrollment Booklet

Reduce waste, save money, think green! A business guide to reduce your waste

Assured (non shorthold) Tenancy Agreement

TENANTS GUIDE. Repairs and improvements

Health Insurance Comparison HIA: Health Insurance Authority

Health Insurance from Aviva. Level 2 Family Health Level 2 Family Health with day-to-day

Breast feeding your baby

A Parent s Guide To. Vermont s Child Welfare & Youth Justice Agency. Protecting children & supporting families. Because families matter!

Health Insurance from Aviva. Level 2 Complete Health

Health Insurance from Aviva. Level 2 Hospital Level 2 Hospital with day-to-day

Tenants Paradigm s Service Standards

Annual Report and Accounts

Outpatient Rehabilitation Department

Forum of International Development Studies 21 (Mar. 2002)

Tuition Reimbursement Program. Handbook

GloHealth Daily Care Good 12 GloHealth Daily Care Better 12 GloHealth Daily Care Best 12

Guidelines and Treatment of Anaphylaxis

Health Insurance from Aviva. Level 2 Health Excess Level 2 Health Excess with day-to-day

Transcription:

Dhabar xanuun Horudhac Xanuunka dhinaca hoose ee dhabarka ee af Ingiriis lagu magacaabo lumbago, 10kii qofood 7 ayuu waqtiga noloshooda wax-yeeleyn doonaa. Xanuunka dhinaca hoose ee dhabarka waxaa loola jeedaa xanuun ama xanuun isdaba joog ah ee ku dhaca meel walba ee dhabarkaaga, inta u dhexeysa qaybta hoose ee lafaha feeraha ilaa qaybta kore ee lugaha. Xanuunka wuxuu kugu dhici karaa si kadis ah, si tartiib ah ama waxaa sabab u noqon karo dhaawac ama dhicid. Dhabar xanuunka waa wax iska dhaca, caadi ahaan ma ahan wax aad u xun. Xaaladaha badankood xanuunka wuxuu ku hayn doonaa dhowr maalmood ilaa dhowr toddobaad wuxuuna caadi ahaan ku fiicnaada lix toddobaad. Haddii dhabar xanuunka ku haayo ilaa in ka yar 3 bilood waxaa lagu magacaaba dhabar xanuunka dareenka kulul leh. Haddii u ku haayo in ka badan 12 toddobaad iyo u kuu keeno dhiibaatooyin qoto dheer ah, waxaa lagu magacaaba dhabar xanuunka daba-dheeraadka ah. Xanuunka dhabarka wuxuu caadi ahaan ku dhaca dadka jira da u dhexeysa 35-55 sano. Xaaladaha badankood sababta xanuunka waxuu ku xiran yahay sida lafaha, murqaha iyo dareemeyaasha dhabarka isla shaqeeyaan. Calaamadaha Xanuunka dhinaca hoose ee dhabarka waa xanuun isdaba joog ah ee meel walba ee dhabarkaaga ku dhaca inta u dhexeysa qaybta hoose ee lafaha feeraha ilaa qaybta kore ee lugaha. U tag Takhtarkaaga Guud (GP) isla dhaqsida ee suurto gala ah haddii aad qabtid dhabar xanuun oo iyo xaaladahaan/calaamadahaan: qandho, culayska oo hoos u dhaco, bararka dhabarkaaga ama xanuun isdaba joog ah ee dhabarka oo yaraanaynin markaad nasato. Sido kale u tag takhtarka haddii aad qabtid xanuun oo gaaro xabadka ama xanuunka qaybta hoose ee dhabarka oo gaaro qaybta hoose ee lugaha ilaa jilbaha hoostood. U tag GP gaaga haddii goor dhow kaa gaarey dhaawac dhabarka, haddii aadan isku celin karin kaadida ama aadan kaadin karinba. Sido kale u tag takhtarka haddii aadan saxaarada isku celin karin ama aad dareen fiican ka qabin aagaha ku yaalo saxaaxa, doolaha ama futada. Waa inaad talo caafimaad raadsataa haddii dhabar xanuunka ku haayo yahay midka ugu horreeya ee kugu dhacey iyo haddii ay da daada ka hooseydo 20 jir Page 1 of 5

ama ka sarreeyso 55 jir. Xittaa haddii aad qaadatay daawada steroids dhowr bilood, aad tahay qof mukhadaraad aad u siticmaalo, ku haayo ama kugu dhacey kansar, ama haddii uu iska cabiyahaaga jirka uu hooseeyo sababtoo ah in lagugu sameeyay daawaynta kansarka ee chemotherapy ama aad qabtid xaalad caafimaad sida cudurka HIV/AIDS. Sababaha Badnaantii, xanuunka hoose ee dhabarka waxaa loo yaqaana mid aan lehayn meel gaar u ah sababtoo ah, waxaa xanuunka keeno ma ahan dhaawac xun ama jirro, laakin waxaa keeno murgacasho, murqaha oo kala baxo, dhaawacyo yar, ama markii ay dareemeyaasha dhaawac yar gaaro. Dhabar xanuunka waxaa xittaa keeni karo wax-qabadyada maalinlaha ee guriga ama shaqada, iyo marka uu qaab xun jirka ku sugan yahay ay ku jiraan si xun u foorarsho, wax kor u qaadis, wax qaadis, wax si xun loo riixo ama loo soo jiido iyo kursiga oo si xun loogu fadhiisto. Waxaa xittaa keeni karo istaagidda ama foororsiga waqtiga dheer, is leec-leecinta, qufaca iyo hindhiska. Sidoo kale, muruqa oo kala baxo, aad u jiidmo, gaari wadidda waqtiga dheer ayadoo mar la joojin. Mar-mar, waxaad ka soo kici kartaa jiif/hurdo adigoo dhabarka ku xanuunaayaa iyo aadan ogayn waxaa sababay. Waxyaabo kale ee keeni karo dhabar xanuun waxaa ka mid ah uurka, dhibaatooyinka saxaaxa ay dumarka qabi karaan, tusaale ahaan cudurka bukashada saxaaxa, riixyo (arthritis)oo kala duwan, tusaale ahaan osteoarthritis. Sidoo kale adkaashada uu cadaadis keenay, bukashooyinka fayruuska, cudurada lafaha ku dhaca, bukashada kaadi galeenka iyo kelliyada iyo cudurka osteoporosis. Waxaa dheerad u ah, kufitaanka, dhaawac tusaale ahaan laf jabtay, jimicsi/layli oo la samaynin, cayilaad, ama dhibaatooyinka hurdada. Baaritaanka cudurka Waxaa cudurka lagu ogaadaa markii calaamadaha lagala hadlo takhtarkaaga iyo markii la sameeyo baaritaan jireed. Xaaladaha badankood, ma loo baahna in baaritaanyo la sameeyo sababtoo ah raajada ama skaanka dhabarka mar walba caawinaad ma lahan sababtoo ah ma muujinaayaan wax aan caadi ahayn haddii aad qabtid dhabar xanuun fudud ama caadi ah. Waxaa keliya laguu dirii doonaa baaritaanyo haddii uu xanuunka ku haayo in ka badan lix toddobaad, uu dhaawac ama jug kaa gaarey dhabarka ama haddii takhtarkaada u maleeyo inay jiraan xaalado kale ee keeno xanuunkaaga. Marka la qabo dhibaatooyinka saxamada xoorka waxaa loo baahan karaa raajo ama sawirka kombyuutarka ee loo yaqaan (CT scan). Sawirada qalab soo qabta (MRI scan) ayaa lagu talin karaa in sameeyo sidii loo helo macluumaad ka sii faahfaahsan ee unugyada jilacsan ee dhabarkaaga, intii ay muujin lahaayeen lafaha. Page 2 of 5

Xaalado qarkood waxaa loo baahan karaa baaritaan dhiig ama baaritaan lagu magacaabo myelogram (waa nooc gaar ah ee raajo oo la sameeyo ka dib markii lagugu cirbadeeyo ranji). Daawaynta Xaaladaha badankood ee dhabar xanuunka kaligooda ayay ku fiicnaanayaan dhowr maalmood ama toobaadyo gudeheeda. Haddii aad fir-fircoonaatid waxaa ka yeraan doono xanuunka xittaa haddii aad ku jirtid xanuun badan. Sidii loo caawiyo dhabar xanuunka, waxaa fiican in la wado wax-qabadyada caadiga ah markii ay suurto gal noqoto. Sidii aad uga hortagto xanuunka, isticmaal xanuun-joojiyaha farmashiiyada laga helo ama daawooyinka bararka ama xanuun joojiyaha xoogga leh (kala hadal farmashiistahaaga ama GP gaaga). Arrimo qaarkood, takhtarka ayaa ku qori karo daawo lagu dajiyo muruqa, laakin waxaa kani la samayn karaa oo keliya dhowr maalmo. Waxaa la qaadan karaa daawada looga hortago riixa (arthritis) haddii uu riixa sababay xanuunka. Meesha ku xanuunayso kor saar wax qabow ah (bac ay ku jiraan digirta cagaaran ee barafaysan ayagoo ku duuban tuwaalka yar ee jikada) sidii loo yareeyo bararka koowaad ama meesha ku xanuunayso kor saar wax kulul (qalabyada kululka dhaliya) maalmo ka bacdi sidii loo yareeyo xanuunka muraqa. Yarey jiifka sariirta haddii ay suurto gasho sababtoo ah, nasashada buuxda ee sariirta kuguma caawinayso bogsoonaanta. Jimicso sidii aad u xoojiso muraqa iyo hagaaji qaabka uu jirkaaga ku sugan tahay. Waxaad xittaa ka fikiri kartaa inaad u tagto takhtarka jimicsiga (physiotherapist) midka osteopath ama chiropractor. Marki ay jiraan xaaladaha dhifka ah ee aad u xun waxaa loo baahan karaa in lagu qalo sidii loo hagaajiyo saxanada xaroorka eeaadkooda ka soo baxey ama dillacey. Ka hor-tagga Sida aad uga hor-tagto dhabar xanuunka waa inaad yaraysaa kadeediska dheeradka ah ama culaysaka aad ku hayso dhabarkaaga, iyo waa inaad hubisaa inuu dhabarkaaga xoog leeyahay iyo lab-laabmi karo. Taloyiinkaan soo socdo waxaa xittaa loogu talagalay dadka qabo dhabar xanuun soo noq-noqod leh: Iska yarey wixii culays dheerad ah iyo samey jimicsiga lagu adkeeyo murqaha sidii aad u hagaajiso murqaha dhabarka iyo caloosha. Isku day inaad fiicnayso sida u ku sugan yahay jirkaada iyo hubi inaad seexato sarriir leh joodari adag iyo raaxo leh iyo ku fadhiiso kursiyo laf dhabarka qabto, adigoo lugahaaga ku hayo si siman dhulka ama meel lugaha la saaro. Page 3 of 5

Ha samaynin dhaqaqyo kadis ah ama wax dhaawacaayo murqahaaga iyo hubi inuu jirkaaga ku sugan yahay si sax ah markii aad wax kor u qaadayso ama hayso alaab culays ah. Markii aad gaari wadid, hel kursi oo dhabarkaaga iyo qoortaada si fiican u haynaayo ama qabanaayo. Page 4 of 5

Isku day inaad yarayso wel-welkaaga, cadaadiska, waxaana samaysa jimicsi/layli joogto ah. Jimicsiga sida socodka, dabaasha, yoga iyo dhaq-dhaqaaqa lagu kala bixiyo murqaha ayaa gaar ahaan u fiican dadka qaba dhabar xanuun. Adeeg turjubaan oo sir ah NHS Direct wuxuu dhaqiiqado gudeheeda markaad soo wacdo ku heli karaa turjubaano luqado badan ku hadla oo si sir ah wax kugu turjimi doono. Raac tusmadeena fudud ee seddaxda tallaabo: Tallaabo 1 Soo wac lambarka NHS Direct oo ah 0845 4647. Tallaabo 2 Markii waciddaada laga jawaabo, af Ingiriis ku sheeg luqada aad rabtid inaad isticmaashid. Ku sug khadka ilaa lagugu xiro turjubaan oo NHS Direct ku caawin doono inay ku siiyaan macluumaadka caafimaadka ama talada aad u baahan tahay. Tallaabo 3 Waxaad xitta saaxib ama qaraabo ka codsan kartaa inay adiga telefoon kuu soo diraan. Sug ilaa u turjubaanka soo galo khadka ka hor intii aadan sheegin sababta aad u soo wacdey. Page 5 of 5