Tilmaanta Bukaan-socodka: Isu Diyaarinta Qaliinka/Hawsha Caafimaadka A Patient s Guide: Preparing for Your Surgery/Procedure (Somali)



Similar documents
Waxaa Suurogal Ah In Lagu siiyo Macaashka kabitaanka ah ee Lambarka Bulshada (SSI)

Ask Remote Assistance Windowsxp iyo Windows7

OVERACTIVE BLADDER AND URGENCY KAADI-HAYSTA KACSAN IYO DEGDEGGA

Ammaanka Kursiga Baabuurka iyo Kuraasta Buustarka

QAYBAHA UU KA KOOBANYAHAY DARYEELKA CAAFIMAADKA DEGMADA DAKOTA OGEYSIISKA KU SAABSAN DHAQANKA ASTURAN

Sida Cuntooyinku u Saameeyaan Sonkorta Dhiiga: Hage loogu talogalay Bukaanada Soomaalida ee Sonkorowga qaba

Substance Abuse or Dependence

Small Business Health Options Program - SHOP (Barnaamijka Fursadaha Caafimaadka Shirkadaha Yar-yar)


MRI (Magnetic Resonance Imaging)

Outreach. Newsletter SOMALICAN SOMALI. Inside this Issue: ENGLISH. Tusmada Caddadkan: Volume 2, Issue 4 APRIL, 2010

Somali CANCER AWARENESS IN THE MUSLIM COMMUNITY INFORMATION SHEET KA WACYI-GELINTA KANSARKA BULSHADA MUSLIMKA AH WARQADDA MACLUUMAADKA

Miralax and Dulcolax Bowel Prep for Colonoscopy

Xeerka iyo magangelyada Dublin II. Horudhaca gaaban ee dadka magan-gelyo doonkaee jooga Yurub dhexdeeda

Somali Glossary of Special Education Terminology

Arthritis. Signs of Arthritis

EACH. Enabling Change Rebuilding Lives EACH. Enabling Change. Rebuilding Lives

Daryeelka Naftaada Kaddib Marka aad Dhasho

SAY FGM WAXYEELAYNTA SAXAAXA HAWEENKA. Batulo Essak, Eriikka Sailo & Kati Illahe

Parkinson s Disease. Signs. Your Care

How to Quit Smoking. Getting Ready to Quit

Cid waliba waxa ay haysaa hadal ay odhan lahayd

Active Range of Motion Exercises: Wrists, Elbows, Forearms and Shoulders

Find Hidden Words (Decoding Strategy)

naafaynta saxaaxa dumarka

Be Our Partner for Safe Health Care

INTRODUCING THE INAUGURAL ENTREPRENEUR S RESOURCE EXPOSITION.

Repairs and maintenance

Cancer Screening for Men

Preventing Infections When Your White Blood Cell Count is Low

Story 3 The Cat and the Mouse. A long time ago there was a cat and a mouse that. agreed to travel together. As they walked along, the cat s

i Urtehagen barnehage på Grønland i Oslo

Marka uu ilmuhu hadli waayo maxaynu samaynaa markaa?

Get free help with your taxes. Youth kick off recycling effort at four KCHA properties

Fo ræ ld reti lfred s h eds u nd e rs ø gelse. BøRNOG"''"' M Aarhus Kommune. Parent satisfaction survey ,!l rl:-) ç9r Èñil Lptll ct: r..,!

Back to School. What s inside. Translation

Empty Properties advice and information. abcde. Because homes were built to be lived in.

BACK TO SCHOOL IS HERE!

Housing List Application

A claim form for Housing Benefit and Council Tax Support

Housing List Application

Looking after your new kitchen and bathroom

BUUG TILMAAMEED AH XILI DHALAAN KA GUDUBKA

PATIENT HANDBOOK AND JOURNAL MEDICATIONS

Diabetes and Kidney Problems

TOWER HAMLETS MENTAL HEALTH AND WELL BEING SERVICES DIRECTORY

Managing Menopause. Signs

DIIWAANKA EREYBIXINTA AF-SOOMAALIGA

Treatment with Apixaban

Got it covered? We can help you prepare for the unexpected

Choosing Pain Medicine for Osteoarthritis. A Guide for Consumers

Treatment with Rivaroxaban

Carers Count. Findings from the Carers Survey

Home Appreciation Loan Equity release with no monthly repayments PRIVATE SECTOR HOUSING INFORMATION LINE

Eye Plastic Surgery. ( Oculoplastic Surgery) with Dr. Gene Howard PATIENT INFORMATION & INSTRUCTIONS

EMPLOYMENT AND SUPPORT ALLOWANCE

A community-based newspaper serving the Puget Sound area since The newspaper of Neighborhood House BY CECILIA MATTA.

JOINT REPLACEMENT FREQUENTLY ASKED QUESTIONS

War and Peace: An anthology of Somali literature. Suugaanta Nabadda iyo Colaadda. Introduced and edited by / Iskudubbaridkii iyo gogoldhiggii

You Y r ou ho ho e Asbestos

Your close and backcourt maintenance services

How to make a complaint about your care

Paying your rent You ve got nine easy ways to pay

The NSAID Drugs Prescriptions and Prices 2004 through 1 st Quarter 2005

Overview of Rheumatology

Scleroderma Education Program. Chapter 3. Pain and Fatigue

Social Services for Adults. Services for people with physical impairments

Asbestos in the Home. Guidance for tenants

Ulcers and Gastrointestinal Bleeding: Protecting Your Health

Treating Osteoarthritis and Pain: The Non-Steroidal Anti-Inflammatory Drugs Comparing Effectiveness, Safety, and Price

Idris Ahmed. Young lives full of promise. Favorite Subject: chemistry College Plan: Stanford University

Repairing and Maintaining Your Home. Repairing and Maintaining Your Home. Great homes, positive people, strong communities

NEW PATIENTS' INFORMATION SHEET

SEATTLE/KING COUNTY CLINIC PATIENT HEALTHCARE RESOURCE LIST KING, PIERCE & SNOHOMISH COUNTIES

PSORIATIC ARTHRITIS. » Diagnosis» Symptoms» Treatments» + more

Please call us if you need clarification of our location. Our office number is (970)

Selective Nerve Root Block

Promoting and Supporting

TENANTS GUIDE. Repairs and improvements

Housing Application Form

OFFICE OF THE ASSISTANT SECRETARY OF DEFENSE HEALTH AFFAIRS 7700 ARLINGTON BOULEVARD, SUITE 5101 FALLS CHURCH, VIRGINIA

a guide to healthy fasting Supported by the

Early Childhood Family Education (ECFE)

L. Dwight Baker, Jr., M.D., FACS 105 Professional Lane Dothan, Alabama (334)

Your Rights and Responsibilities

hip replacement t h e p r e p a r a t i o n, t h e h o s p i t a l s t a y a n d t h e r e c o v e r y

Refuse and recycling storage for new dwellings Planning guidance. December 2013

Treating Osteoarthritis and Pain

Healthy bladder guide Information for patients


Sheltered housing in Islington

Warfarin Counseling. Clinic Patient Education

PAIN & ANALGESIC DRUGS. Marta Jóźwiak-Bębenista marta.jozwiak-bebenista@umed.lodz.pl Department of Pharmacology Medical University of Lodz

Preparing for Surgery

PassAssured's Pharmacy Technician Training Systems. Medication Review. Local Hormones. Pharmacy Technician Training Systems Passassured, LLC

Tenants Paradigm s Service Standards

UVA OUTPATIENT SURGERY CENTER (OPSC) PREPARING FOR SURGERY HANDBOOK

Onset Peak Duration Comments

Spanish. Part I: Diseases, Conditions, Surgeries Quantity Form # English Title/Spanish Title Rev. Date

Central and North West London NHS Foundation Trust. Change to CNWL Max Glatt Unit: Consultation document.

Transcription:

Tilmaanta Bukaan-socodka: Isu Diyaarinta Qaliinka/Hawsha Caafimaadka A Patient s Guide: Preparing for Your Surgery/Procedure (Somali) Ku Soo Dhawoow Swedish Medical Center (Xarunta Caafimaadka Swedishka). Waxaan rajeeynaynaa in aan ku siino daryeel caafimaad kan ugu wanaagsan. Ujeedadeena waxay tahay in aan hubsano in waxa aad kala kulantid Swedish ahaadaan heer sare, marka laga fiiriyo dhinac kasta. Waxaad qaliinkaada/hawsha caafimaadka ku qaadan doontaa: Xerada Ballard 206-781-6245 Xerada Cherry Hill 206-215-3200 Xerada First Hill 206-215-3200 Orthopedic Institute 206-215-3200 Xerada Issaquah 425-313-5330 Telefoonka Lacag la aanta lagu diro ee dhamaan xeryaha 1-866-851-5111 Fadlan qaad talaabooyinka soo socda si aad ugu diyaargarowdo qalinkaaga: 1. Ka wac Swedish Medical Center goobta sare lagu sheegay: Ka diiwaangali ballantaada cusbitaalka Qabso ballanta oggolaanshaha hore ee LA RABO. Tani waxay noqon kartaa waraysi telefoon ama ballan toos uga loogu tago xerada Swedish halkaasi oo lagugu qali doono. Fadlan sug 15 si loo diiwaangaliyo loona qabto ballantaada. Bukaanku waa inuu joogo wicitaankan koowaad waana inuu haysto kaadhkiisa caymiska. 2. Haddii aad hesho fariin taleefan oo ka timid Swedish, fadlan isla markaaba dib u wac lambarka bidixda kaga yaal farriinta. 3. Marka qalliinkaaga laga muddeeyo cusbitaalka, wac shirkaddaada caymiska si aad uga xaqiijiso oggolaansho. 4. Si taxadir leh u akhri qoraalkaan, waxaadna si gaar ah u fiirisaa cuntada ka horeyso qaliinka iyo tilmaamaha daweynta. Macluumaad maaliyadeed oo muhiim ah Waa masuuliyaddaada inaad la xidhiidho shirkadda caymiskaaga si aad u hubiso: Dhakhtarkaagu inuu helay oggolaanshaha kharashka xirfadeed iyo khidmadaha cusbitaalka Aad taqaan xadadka caymiskaaga iyo wixii khidmado aan la daboolin kuwaasi oo si gaar ah adiga laguugu soo dallici karo Rugta Oggolaanshaha Hore: Ballanta oggolaanshaha hore (Fadlan sug ilaa 45 daqiiqo) Taariikhda: Waqtiga: Fadlan waa inaad sidataa ballantan: Liiska taagan ee daawooyinkaaga Magaca dhakhtarka qoyskaaga iyo lambarka taleefanka Kaadhkaaga caymiska Qor liiska qalliimadaadii hore iyo dhibaatooyinka taagan Warbixinaha baadhitaano wadne oo hore Ballan qalliin Taariikhda Waqtiga Khariirad leh tilmaamo iyo baarkinka xero kasta ayaa ku qoran buug-gacmeedkaan. Isdiiwaangalinta goobaha Oggolaanshaha Hore iyo Qalliinka waxay ku faahfaahsa yihiin khariidadda. Si aad u heshid macluumaad badan, booqo www.swedish.org taasoo hoos timaada Health and Patient Services > Patient & Visitor Information (Caafimaadka iyo Adeegyada Bukaanka > Macluumaadka Bukaanka iyo Martida). Xuquuqda iyo masuuliyadaha bukaanka, booqo www.swedish.org/patients-rights-responsibilities. Su aalaha kusaabsan biilka ama kharashka qalliinka waxa lagaga jawaabi karaa haddii aad wacdo 206-320-5300.

Tilmaamaha daawada qalliinka kahor MUHIIM Haddii aad qaadanayso Coumadin, Plavix, aspirin, Pradaxa, Xarelto, Eliquis, Lixiana, ama jilciye/dhiig khafiifiye kale, waydii dhakhtarkaaga goorta aad qaadanayso daawadan. (Tan waxaa ka mid ah daawada laga helo asbariinka sida Anacin, Excedrin, Bufferin, Ecotrin iyo Alka-Seltzer). Haddii aad qabtid qalabka toosiya garaaca wadnaha (pacemaker) ama qalabka la geliyo gudaha ee soo celiya garaaca wadnaha (defibrillator), waxaa AAD MUHIIM u ah in aad sameysid waxa soo socda: Ogeysii takhtarkaada qaliinka in aad qabtid qalabka toosiya garaaca wadnaha ama qalabka soo celiya garaaca wadnaha. Ogaysii dhakhtarkaaga wadnaha inaad qalliin galayso sababtoo ah waxa dhici karta in loo baahdo aaladdaada in la eego kahor oggolaanshaha. Muddada ballanta oggolaanshaha kahor, u sheeg shaqaalaha inaad leedahay mid kamidah aaladahan wadnaha. Cusbitaalka u soo qaado ballamaha oo dhan: - Magaca iyo nambarka telefoonka takhtarkaada wadnaha - Kaarka aqoonsiga qalabkaada caafimaadka Isbeddellada caafimaadkaaga U sheeg dhakhtarkaaga haddii aad la kulanto isbeddel caafimaadkaaga kahor qalliinka. Isbeddelladan waxa kamid noqon kara duri, hargab, xummad, infakshan ama shuban, iyo sidoo kale isbeddel ka sii wayn. Ilaa uu wax kale kuu sheego dhakhtarkaaga ama Rugta Oggolaanshaha Hore mooyee, fadlan raac tilmaahaha hoose qaadashada daawada kahor qalliinkaaga. Laba toddobaad kahor qalliinka: Jooji qaadashada dheeraadyada dhirta ah. Saddex maalmood kahor qalliinka: JOOJI qaadashada dhamaan dawooyinka aan lahayn steroid, dawooyinka ka hortagga cudurka sida: Celebrex Diclofenac (Voltaren) Etodolac (Lodine) Ibuprofen (Advil, Motrin) Indomethacin (Indocin) Ketoprofen (Orudis, Oruvail) Ketorolac (Toradol) Meloxicam (Mobic) Nabumetone (Relafen) Naproxen (Aleve, Anaprox, Naprosyn) Oxaprozin (Daypro) Piroxicam (Feldene) Sulindac (Clinoril) Subaxnimada qaliinka/hawsha caafimaadka: KU laq kabbasho yar oo biyo ah, daawooyinka laguu qoray kuwaasi oo dhakhtarkaaga iyo Rugta Oggolaanshaha Hore kuu sheegeen inaad sii waddo, oo ay kujiraan daawada naarootiga. 2

MUHIIM Tilmaamaha cuntada qalliinka kahor Ilaa uu dhakhtarkaagu kuu tilmaamo mooyee, waa inaad raacdo tilmaamahaan cuntada kahor qalliinkaaga. 8 saac ka hor waqtiga la yimaado 2 saac ka hor waqtiga la yimaado JOOJI in aad cuntid raashinka adag ama cabbidda dareeraha aan saafiga ahayn. MAYA CUNTO MAYA CAANO MAYA WAXYAABAHA LAGA SAMEEYO CAANAHA MAYA KAREEMKA LAGU DARSADO QAXWAHA MAYA XANJADA MAYA NACNACA LOO QAATO DHUUNTA MAYA QAMRADA Waxaad cabbi kartaa dareere saafi ah. Tusaale: biyo, 7-Up, Gatorade, jelatiinka saafiga ah, cabitaanka tufaaxa ee aan qubka laga fiiqin, shaaha nadiifka ah ama qaxwada MADOW JOOJI in aad afka wax ka qaadatid, marka laga reebo dawooyinka, sida uu ku faro takhtarkaada. Waxyaabaha ka reeban: Bukaanada qaba sonkorowga ama GERD, haweenka uurka leh iyo bukaanada cayilsan waxa dhici karta inuu kula taliyo dhakhtarkaagu ama Rugta Oggolaanshaha Hore inuu joojiyo dhammaan dareerayaasha iyo adkayaasha 8 saacadood kahor imaanshaha. Waxa dhici karta inaad ku qaadato, kabbasho yar oo biyo ah, daawooyinka laguu sheegay inaad qaadato subaxda qalliinka. Maalinta kahorraysa qalliinka Hubso inaad garanayso wakhtiga ay tahay in la yimaado cusbitaalka. Fiiri tilmaamaha cuntada ka horeeysa qaliinka. Waxaad u baahan doontaa in aad ku qabeysatid biyaha tubada kor LABO JEER muddo 24 saac gudahooda qaliinkaaga ka hor qaado qabeyska KOWAAD habeenka ka horeeyo. Raac Tilmaamaha Qubayska ee gaarka ah ee ku qoran buug-gacmeedkan. Haddii aad qabto sonkorow Haddii aad qaadato insulin si aad u xakamayso sonkortaada, ogaysii dhakhtarkaaga sonkorowga inaad qalliin galayso, waa intaayoo aad u baahan tahay tilmaamo gaar ah. Haddii uu dhakhtarkaagu kuu tilmaamay mooyee ama Rugta Oggolaanshaha Hore, fadlan raac tilmaamaha hoose qaadashada daawooyinka sonkorowga subaxda qalliinkaaga. Ha qaadan wax daawada afka laga qaato ee lidka ku ah sonkorowga ah Metformin waa in la joojiyo 24 saacadood kahor qalliinka. Haddii aad isticmaasho insulinta muddada dheer saamaynteedu jirto (Lantus, Levemir), qaado mar-qaadashadaada caadiga ah subaxda qalliinka. Haddii aad isticmaasho insulinta muddada dhexe jirta (NPH, Novolog Mix 70/30, Humalog Mix 75/25, Novolin 70/30), qaado kala-badh mar-qaadashadaadii subaxda ee caadiga ahayd. Ha qaadan wax insulinta dhakhsaha u shaqaysa ah ama insulinta cuntada lala qaato (Regular, Lispro, Humalog, Novolog, Apidra) subaxda qalliinka. Haddii aad isticmaasho bamka insulinta, ku daa heer hoose oo u soo qaado, iyada iyo wixii agab kale aad u baahan karto, cusbitaalka. Marka aad imanayso qalliinka, soo qaado juus xareed ah (sida juuska tufaaxa) waa intaayoo ay dhacdaa inaad yeelato astaamaha dhiigga sonkortu ka yar tahay. Haddii wakhtiga aad soo galayso cusbitaalka loo muddeeyey kadib 12:00 duhurnimo, kala hadal dhakhtarkaaga ama Rugta Oggolaanshaha Hore sida ugu fiican loogu maareeyo daawaynta insulinta maalinta qalliinka. 3

Tilmaamaha muhiimka ah Maalinta qalliinka u Raac tilmaamaha qalliinka kahor ee kusaabsan cuntadaada iyo daawooyinkaaga ee dhakhtarkaaga iyo Rugta Oggolaanshaha Kahor. Haddii ayna waxay kuu caddayn, isticmaal tilmaamaha guud ee Hagahan ee bogagga 2 iyo 3. Haddii aanad raacin tilmaamahan, qalliinkaagu waxa dhici karta inuu dib-u-dhaco ama la baajiyo. u Qaado daawooyinkaaga, adiga oo isticmaalaya kabbasho yar oo biyo ah, sida dhakhtarkaaga iyo Rugta Oggolaanshaha Hore tilmaameen. Ka eeg tilmaamo dheeraad ah bogga 2. u Qaado qubayskaaga qalliinka kahor ee LABAAD inyar kahor intaanad iman cusbitaalka. Raac Tilmaamaha Qubayska ee ku qoran bushqaddan. Timaha iyo maqaarka waa in aaddan soo marsan waxyaabaha qofka isticmaalo sida waxyaabaha lagu buufiyo tinta, barafuunka, saliidda, waxyaabaha la marsado kaddib marka la xiirto, kreemka la marsado wejiga, saliidda, subagga la marsado, ama waxyaabaha la mariyo tinta. Sidoo kale, HA gashan muraayadaha la gashto indhaha ama waxyaabaha leysku qurxiyo. u Soo qaado labis iyo kabo holof-holof ah oo fudud. u Fadlan soo qaado waxyaabaha soo socda: Kaadhadhkaaga caymiska caafimaad iyo farmasi, sawir gobolku bixiyey, iyo kaadhka aqoonsiga wixii aalad caafimaad ay dhici karto inay kugu rakiban yihiin. Lacag kugu filan (ama hal kaarka deynta) si aad u bixisid kharashka ku baxa meesha baabuurta la dhigto kaliya iyo lacagta lagu daro daweynta-khidmadda la bixiyo marka laga baxaayo isbitaalka. Kaga tag DHAMMAAN alaabta kale ee qiimaha leh guriga, oo ay kujiraan kiridhit kaadhyada kale, lacagta cadaanka ee dheeraadka ah, qalabka la isku qurxiyo iyo fargallada maalin kasta la xidho, iyo aaladaha koronto oo ay kujiraan taleefanada gacanta, kombiyuutarrada, aaladaha wax akhriya iyo ciyaaraha. Mid kasta oo ka mid ah kuwa soo socda ee lagu dabaqi karo: - Nuqul ah liiska daawooyinka iyo mar-qaadashooyinka, haddii ay jiraan - Qalabka lagu neefsado, haddii aad qabtid neef - Mashiinka CPAP iyo qoraalka toosinta mashiinka - Bukaanada qaba sonkorowga oo kaliya: juus khudradeed xareed ah - Foom oggolaansho oo uu u saxiixay wakiilka sharciga ah bukaan u baahan qof uu taladiisa ku wareeiyo si daa im ah (wakiilku waa inuu xaadir yahay ama taleefan lagu heli karaa) - Waalidka ama wakiilka sharciga ah ee bukaan kayar 18 jir si uu u xaqiijiyo oggolaanshaha ugalana hadlo daryeelka dhakhtarka suuxinta u Fadlan kaalay cusbitaalka wakhtiga loo qabtay qalliinkaaga/ howshaada. Fillo in kalkaalisadu ay eegi karto maqaarkaaga qaybaha jidhkaaga oo dhan si ay u eegto inay jiraan calaamado dillaac ama infakshan ah Bukaanada dadka waawayn ah waxay yeelan karaan hal qof oo la jooga markiiba meesha qalliinka kahor. Bukaanada kayar 18 jir waxa dhici karta inay yeeshaan laba qof oo waawayn oo la jooga. Carruurta la socda bukaanada ama wehelkooda waxa dhici karta inaan kali looga tagin waxaana dhici karta inayna galin meesha daryeelka bukaanka ama qolalka ciyaarta bukaanka. Kabsashada qalliinka Qolka bogsashada, waxaa ku daryeeli doono kalkaaliyeyaal ku jiro diiwaanka oo si gaar ah loo tababaray. Waqtiga aad ku sugan tahay bogsashada waa kala duwan tahay, taasoo ku xeran qaliinka/hawsha caafimaadka. Haddii aad guriga u hoyaneysid isla maalintaas, asxaabtaada iyo qoyska waxaa lagu casuumi doonaa in ay kuu yimadaan si ay u ogadaan tilmaamaha ka dambeeyo qaliinka. Qorshaynta ku laabashadaada guriga Fadlan waxaad qoyska iyo/ama asxaabta la qorsheysataa baahidaada marka aad ka soo baxdid isbitaalka ka hor inta aan lagu qalin/aadan gelin hawsha caafimaadka. Haddii la muddeeyo inaad guriga aaddo maalinta qalliinkaaga, WAA INAAD yeelato qof wayn oo ku weheliya, ama qalliinkaaga waa la baajin doonaa. MA wadi kartid baabuur ama bas uma raaci kartid guriga. Waxaad qaadan kartaa taksi haddii uu jiro qof weyn oo kula socda. Haddii dhakhtarkaagu kuu daayo cusbitaalka habeen: ku saarista horraanta maalintu waxay awood kuu siinaysaa inaad hesho daawada laguu qoray oo aad tagto gurigaaga inkastoo dhakhtarkaaga aad heli karto marka aad su aalo qabto. Wakhtiga saaristu caadiyan waa 11 g.h. Waxaan kuu soo jeedineynaa in uu qof kula joogo guriga kaddib marka lagu qalo/gashid hawsha caafimaadka, kaasoo kugu kaalmeeya iibsiga, daryeelka cunugga, kor u qaadidda alaabta, kariska, nadiifinta, iwm. 4

Qubayska qalliinka kahor Nadifinta (sifaynta) jidhka tartiib qalliintanka kahor waxay yareen karata halista infekshanka rugta qalliinka. Waxa aad ka ciyaari kartaa door muhiim ah yaraynta halistan adiga oo qubaysanaya galabka kahorraysa qalliinkaaga iyo subaxda qalliinkaaga. Sidoo kale, kalkaalisadu waxa dhici karta inay ku waydiiso inaad isticmaasho masaxaadda jeermiska disha maqaarkaaga kadib marka aad timaad cusbitaalka. Fadlan soo gado dhalo yar oo boqolkii 2 ama 4 ah milanka jeermiska dila ee Chlorhexidine Gluconate (CHG) (tusaale ahaan, Hibiclens), si loogu isticmaalo qubaysiyadan. Haddii barta qalliinkaagu ay ku taal dhabanka ama ka sarrayso, fadlan ku beddel saabuunta caadiga ah CHG. Haddii aad galayso qalliin maskaxda ah, wac xafiiska dhakhtarkaaga qalliinka si uu kuu siiyo tilmaamo gaar ah. Fadlan raac tilmaamahan: Waa inaad LABO JEER qubaysatid, mar galinka danbe kahor iyo mar subaxa kahor intadan isbitalka qalliinkaaga uu iiman. Iska ilaali inaad saabunta Chlorhexidine aaysan indha, dhagaha, afka, ama sanka ka galiin. Waxaad isku dayda oo kale inaad ka ilaalisid cawrada haweenka iyo dhamadka cawrada raga. Haddii sabuunta CHG gasho meelahaas, si fiican u biyo raaci. Fadlan ha xiiran ama ha ka xiirin jeerkaga timaha ugu yaran 72 sacadood qalliinka kahor. Waa hagaag inaad iska xiirto timaha wagiga. Qubayska dhexdisa 1. Qubays kasta, dhaq oo biyo ku shub timahaaga ugu horrayn adiga oo isticmaalaya shaamboogaaga caadiga ah. Si dhammaystiran biyo uga raaci shaambada timahaaga iyo jidhka. Ha isticmaalin wax ah waxsoosaarka timaha kadib markii aad ku dhaqdo shaambo timaha. 2. Is qooh qubayska gudihisa kadib biya xir. 3. Aado isticmalaya CHG iyo maro qooyan, ku shub marada ila iyo rubac koob oo saabunta CHG (dalada inta soo hartey u kayd maalinta qallintanka qubeyska). Tartiib u xunbeh jirkago dhan garka ila iyo inta ka hooseysa. Qalintanka lugaha (oo lagu daray baddalaada jilbka dhamaan) Dhaq lugto oo dhan oo lagu daray jilbka gaadashiisa, anqawga, cagta, iyo faraha cagaha Marka dhaq barida oo dhan iyo dhinaca cawrada (hoosta) Baddalaada misigta (sinta) dhamaan Dhaq lugto oo dhan, uurku jirka, dhabarka, iyo cawrada (hoosta) 4. U ogoloow in xunbada maqaarkada ku yaalaan ugu yaaran meel 15-20 il-briqsi u jirta. 5. Si fiican isku biya raaci. Ha isku qubetsan mar labaa saabun cadi ah. Qubayska kadib Isku qallaji tuwaal qallalan, nadiif ah oo si fiican loo dhaqay. Xidho dhar si fiican loo dhaqay. Qubays kasta kadib, ha isticmaalin kareem (dufan labeen oo kale ah oo lagu dhaydo jirka), cadar, waxyaabaha timah la marsado, isqurxiska wajiga. Dadka inglisiga akhriin kaarin, calaamadi halkaan: Jirkago dhan dhaq, lakiin aado u firsanaya meelaha la qallaayo, aado isticamalaya tixintan tilmaamahan: Qalliimada qoorta, garabka iyo gacanta Dhaq qoorta, garabka oo dhan, kilkilsha (shaqfal), gacan, iyo kafka Qallintanka uurku jirka iyo labta Dhaq qoorta, laabta oo dhan iyo uurku jirka ila iyo cawrada (hoosta) oo lagu daray laabta cawrada Lagu daray laabta caloosha, xuddunta (xundhurta) iyo naska hoostiisa Qallintaanka dhabarka iyo barida Dhaq qoorta gaadasheda, kilkilsha (shaqfal), iyo garabka, dhabarka oo dhan, iyo barida HORE GADAAL 5

Gaditanka saabunta CHG In badan, lakiin aan dhamaan ahayn, lagu daro kuwa ku yaal dukaanada cuntada iibiya ama dukaanada alaaba kal noocah iibiya ba haya saabunta. Waxaad isticimali karta nooca layiradho Hibiclens ama nooc kale ka qoosh kooban laba ama afar % saabunta CHG. Waxa dhici karta inaad rabto inaad hore u sii wacdo in farmasigu hayo. Haddii aanu hayn, waxa aad ka hubin kartaa farmasiilahaaga si aad u ogaato haddii laguu dalbi karo. Saabuunta sida badan waxay u samaysan tahay 4, 8 ama 16 wiqiyadood qiimayaashuna waxay u dhexeeyaan $6 kuwa 4 wiqiyadood ah ilaa ugu dhawaan $14 kuwa 16 wiqiyadood ah. Hibiclens waxaad badanaa ka heli karta faramashiiyaashan: Rite Aid Savon Pharmacy Walgreens Walmart CVS/Pharmacy Waxyaalaha ay tahay in la ogaado kahor u imaanshaha cusbitaalka joogitaan Booqdayaasha muddada joogitaankaaga Bukaanadu waa waxa noogu muhiimsan Swedish. Waanu ognahay inay waxtar leedahay qoyska iyo saaxiibadu inay kugu soo booqdaan cusbitaalka. Hase yeeshee, shaqaaluhu waxa dhici karta inay xaddidaan booqashooyinkan sababtoo ah baahida bukaanka ee daryeelka iyo nasasho ama haddii qolka lala wadaago. Fadlan kala hadal kalkaalisadaada wakhtiga ugu fiican iyo muddada booqashooyinku jirayaaan. Qoysaska iyo saaxiibada waxa loo sheegaa inay qorsheeyaan booqashooyinka si aan booqashooyinku iskugu dhicin. Kaadhka aqoonsiga booqdaha ee la rabo saacadaha shaqada kadib Sababo badbaado awgood, booqdayaasha yimaada cusbitaalka kadib 9 g.d. ama kahor 5 g.h. waxa la siin kaadh kumeel gaar ah. Fadlan waydii kalkaalisada qaybta si ay uga caawiso booqdaha inuu helo kaadhka aqoonsiga. Cid kasta oon lahayn kaadh aqoonsi kadib wakhtiga shaqada waxa su aalo doona Nabad Sugidda. Rabbaayadaha iyo xayawaanka adeega Waanu ognahay in rabbaayaduhu ay kaqayb noqon karaan qoyska bukaanka. Hase yeeshee, arrimaha caafimaadka guud dartood, kaliya xayawaanka adeegga iyo daawaynta ayey dhici kartaa inay booqdaan. Haddii aad sigaarka cabto Himiladena Swedish waxay tahay in aan hagaajino caafimaadka iyo wanaagga qof kasta oo aan u adeegno, kana mid ah bukaanka, qoysaska, martida, shaqaalaha, takhaatiirta, dadka ku shaqeeyo iskaa wax u qabso iyo dadka kale. Qeyb ka mid ah himiladaas waxay tahay in aan siino jawi ammaan ah oo caafimaad qaba. Jawi caafimaad qaba waxaa ka mid ah dhismo ka madax banaan sigaar iyo tubaako. Swedish waxaa sharaf noo ah in aan sheegno in aan ka madaxbanaan nahay sigaarka iyo tubaakada, gudaha iyo dibadda, dhamaan xeryaheena iyo dhamaan kiliinikadena bukaan socodka. Siyaasadaan waxaa ka mid ah isticmaalka sigaarka elataroonigga (e-cigarettes) ama qalab kale oo la mid ah, iyo badeecada tubaakada la calaajiyo. Inta lagu jiro joogitaankaaga cisbitaalka, laguuma oggola inaad ka tagto dhismaha si aad sigaar u soo cabto. Haddii aad ku tiirsan tahay waxyaalaha nikootiinta, waxaanu bixinaa daawada lagu badalaayo nikootiinta; kuwani waa diyaar waana la hel karaa oo waxay ka midyihiin kharashyada cemiska caafimaadka kaa bixinkaro. 6

Booqdayaasha doorta inay sigaar cabaan waxaa waajiba inaanay ku jirin dhisme Swedish ama geerashayada baabuurta la dhigto, oo ugu yaraan 25 fuudh ay u jiraan kadinka dhismaha laga soo galayo, daaqadaha laga baxayo, daaqadaha furmi kara, qaboojiyaha, meelaha qiiqu ka baxo ama nidaamyada kale hawo qaadashada, ee lagu sheegay sharciga gobolka. Barnaamijka Swedish wuxuu tageeraa sidii uu u caawin lahaa inay joojiyaan sigaar cabista adiga iyo saaxibadaa, qoyskaaga ama booqdayaashaada. Haddii aad jeceshahay macluumaad ku saabsan barnaamijka, fadlan soo wac telefoon lambarka 1-800-QUIT-NOW. Isticmaalka qalabka korontada Cusbitaalka dhexdiisa, isticmaalka gudaha ee taleefanka gacanta, beejarka ama laabtobka waa la xadiday. Waa inaad ugu yaraan 10 fuut ka dheeraato qalabka caafimaad. Daaradaha iyo qolalka sugitaanku waa meelaha ugu fiican ee lagu isticmaalo aaladahan. Iska ilalainta dhicidda Markaad ku jirto cusbitaalka, waxaad khatar wayn ugu jirtaa inaad dhacdo. Tan waxa ugu wacnaan karta aqoonta aanad u lahayn deegaanka, daawooyinka, nidaamyada seexashada ee beddelan ama dhuumaha, xadhkaha iyo mishiinada kuwaasi oo dhaqdhaqaaqa adkeeya. Maadaama dhicitaanadu ku keenaan dhaawacyo cusub ama dib-u-dhac bogsigaaga, waxaanu rabnaa inaanu samayno wax kasta oo suurogal ah si aanu uga hortagno. Waxaad ka caawin kartaa adigoo raacaya digniintaan: Waydiiso caawimaad si aad uga dhaadhacdo sariirta Si qunyar ah u kac Gasho kabo aan kula sinbiriiraxan Warbixin ka bixi daawooyinkii kasta Kaalmada isgaadhsiinta Swedish wuxuu bixin karaa tarjumaadda hadalka, tarjumaadda luuqadda calaamadaha, aaladaha wax caawiya, agab tarjuman iyo mid far waawayn ku qoran si bilaa lacag marka la codsado. Haddii adiga, booqdayaashaada ama qofka ku taageerayaa uu qabo arag la aan, hadal iyo/ama maqal la aan, ama haddii Ingiriisidu ayna ahayn luuqaddaada koowaad una baahan tahay taageero isgaadhsiinta, fadlan noo sheeg. Bixinta daawooyinka guri ku qaadashada Marka lagaa saarayo Swedish, dhakhtarkaagu waxa dhici karta inuu amro hal ama kabadan daawo inaad guriga ku qaadato. Macluumaadka soo socdaa waxay kaa caawin doonaan inaad sii qorshayso suurogalnimadan: Maadaama lagu waydiistay inaanad alaabo qiimo leh u qaadan cusbitaalka, u sheeg qofka guriga kuu soo wehelinaya inuu keeno lacag cadaan ah, ama dhibit kaadh ama kiridhit kaadh si aad iska bixiso lacagta saarista/guri u qaadashada. Waxa aad dooran kartaa in daawada saaristada uu kuu buuxiyo mid kamid ah farmasiyada Swedish xerooyinkayaga (Cherry Hill, Edmonds, First Hill, Issaquah ama Orthopedic Institute) ama farmasi dibadda ah. Waydiiso dhakhtarkaaga ama kalkaalisada nuqul saxiixan ee daawadaada si aad ugu qaadato farmasiga. Nuqulka warqadda had iyo jeer waa la rabaa, farmasi kasta oo aad doorato. Fadlan isku diyaari inaad iska bixiso lacagta daawadaada marka aad qaadato. Qaybtaada qarashka ka saaristu waxay ku xidhan tahay daawada laguu qoro (oo ay kujiraan caymiska gaarka loo leeyahay, Medicare, Medicaid, iyo sheegashooyinka Shaqaalaha iyo Warshadaha). Haddii leedahay caymis daawo, fadlan hayso kaadhka caymiska daawada ee jira wakhtiga qabashada si aan u hubino inaanu hayno macluumaadka biilka ee saxda ah. Habeenkii isticmaal laydh Isticmaal gacan qabsiga ku yaala qolka maydhashada ama qololka waaweyn Baro habka ugu haboon ee loo isticmaalo agabka cisbitaalka sida biraha lagu socdo ama bakooradaha lagu tukubo 7

10 talo daryeel caafimaad oo badbaado badan Waxa aad samayn karto si aad u noqoto wehel firfircoon daryeelka caafimaadkaaga. Daryeel caafimaad oo fiican wuxuu ku iman karaa iskaashi dhexmara adiga iyo bixiyaha daryeelka caafimaadkaaga. Waa kuwan talooyin kusaabsan sida aad ula shaqayn karto bixiyayaashaada si aad u hesho daryeelka caafimaad ee ugu fiican. 1. Kaqaybqaado daryeelka caafimaadkaaga. Uga sheekee bixiye kasta daryeelka caafimaad ee aad qaadatay iyo cidda ku siisay. U sheeg wixii daawayno kale jira ee aad isku dayday ee aanu dhakhtar kuu qorin, sida daawaynaha dhirta, daawooyinka guriga ama irbado ku taagtaagga. Uga sheekee bixiyahaaga wixii baahi dhaqan ama ruux ee aad ay dhici karto inaad leedahay. Si aad u hubiso inaad fahamtay tilmaamaha daryeelka caafimaad, ugu celi xubin qoys ama saaxiib. U sheeg bixiye haddii aanad hubin wax kamid ah daryeelkaaga. Haddii aad u malaynayso inuu jiro wax ay dhici karto inaanu badbaado lahayn, u sheeg bixiyahaaga isla markaas. 2. Waydii su aalo, waydii su aalo, waydii su aalo. Marka aad dooranayso bixiye daryeel caafimaad, dooro mid si sahlan aad ugala hadli karto daryeelka caafimaadkaaga Waydii bixiyahaaga goorta iyo sida aad u heli doonto natiijooyinka baadhista ama daawaynta. Marka aad hesho natiijooyinka, hubso inaad garanayso waxa natiijooyinku kaaga dhigan yihiin. Bixiyahaagu ha kuu sharxo doorashooyinkaaga daawaynta, wixii haliso daawaynta ah iyo sida daawayntu kuu caawin karto. Raadso aragti labaad haddii aanad hubin daawaynta aad dooranayso. Baro isbeddellada aad u baahan tahay inaad samayso si ay kaaga caawiyaan inaad ka soo rayso. Talooyin dheeraad ah: Ka sii qaado go aano daryeelka caafimaadkaaga adiga oo dhammaystiraya Dardaarankan: - Foomka u Dhaafista Ammuurahaaga Cid kale kaasi oo kuu oggolaanaya inaad doorato cidda aad rabto inay kuu hadasho haddii aanad awoodayn. - Foomka Dardaaranka Daryeelka Caafimaad oo u sheegaya bixiyahaaga goorta ama haddii ay tahay in lagu siiyo daawayn si aad u sii noolaato. Caawimo dheeraad ah Dardaaranka, waydii: - Bixiyahaaga - Kalkaalisadaada inta aad kujirto ballantaada Rugta Oggolaanshaha Hore 3. Soo kaxayso xubin qoys ama saaxiib si uu kuugu wehelyeelo daryeelka. Dooro cid kuu hadasha kaana caawisa inay wax kuu meelmaraan. Tus wehelkaaga daryeelka halka laga helo diiwaanadaada caafimaad guriga. U sheeg daawooyinka aad qaadato iyo halka ay yaalaan. Qorshee wehelkaaga daryeelku inuu kula joogo inta aad ku jirto baadhitaanada, daawaynaha iyo cusbitaalka. Waa sax wehelkaaga daryeelku inuu su aalo ku waydiiyo oo qoraal samaysto. 4. Ka doon bixiye kastaa inuu ogaado cidda aad tahay kahor intaanu ku waydiin. Waydii bixiyayaasha inay hubiyaan laba foom oo aqoonsi markasta oo ay ku daryeelayaan. Haddii lagu siiyo aqoonsiga gacanta lagu xidho, hubso inuu magacaagu ku qoran yahay iyo in magacaaga si sax loo qoray. Sidoo kale, ka raadi kaadhka magaca dhammaan bixiyayaasha ku daryeelaya. 5. La wadaag dhammaan daawooyinka aad qaadato bixiyayaashaada. Ku dar dhammaan daawooyinka, fiitamiinada, dhirta daawada ah iyo dheeraadyada liiska. Soo qaado liiska booqasho kasta. U sheeg bixiyahaaga xasaasiyadahaaga. U sheeg bixiyahaaga haddii aad ku yeelatay falgal xun wax daawooyinka ah. 8

6. Wax ka ogow daawooyinkaaga. Waydii bixiyahaaga waxa daawo cusub loogu talogalay iyo sida ay wax u tari doonto. Hayso magaca shirkadaha iyo magacyada kale ee daawada laguu qoro. Ogow sida loo qaato daawada iyo muddada la qaadanayo. Waydii farmasiilaha macluumaad qoran oo kusaabsan waxa la filan karo marka daawada aad qaadato. 7. Kahortag infakshanka. Isticmaalka xabka gacanta ee isbiirtada leh ama dhaq gacmahaaga. Nadiifinta gacantu waa waxa ugu muhiimsan ee aad samayn karto si aad uga dhawrsato inaad bukooto. Waydii cid kasta oo ku daryeesha, Ma isticmaashay xabka gacmaha ee isbiirtada leh ama dhaqday gacmahaaga? U sheeg qoyska iyo saaxiibada inayna ku soo booqan haddii ay qabaan duri, hargab ama qufac. 8. U diyaargarow daawaynaha iyo qalliinada. Kahor daawayntaada ama qalliinkaaga, ogow daawooyinka aad qaadanayso ama kuwa aanad qaadanayn, waxa aad cuni ama cabbi karto iyo waxa aanad cuni ama cabbi karin, iyo waxa aad xidhanayso ama aanad xidhanayn. Hubso in adiga iyo bixiyayaashaadu aad isku wada raacdeen waxa la samayn doono inta daawayntu ama qalliinku socdo. Ka caawi bixiyahaaga inuu helo oo calaamadiyo qaybta jidhkaaga ee la qali doono. Hubso in qaybta jidhkaaga ee la qalayo oo kaliya la calaamadiyo. Waxay keeni kartaa wareer haddii meelo kale la calaamadiyo. 9. Waydii bixiyahaaga inuu sharxo waxa aad u baahan tahay inaad samayso si aad naftaada u daryeesho guriga. Raadi marka aad bilaabi karto hawlahaaga caadiga ah markale. Hel lambarrada taleefanada cidda la waydiinayo su aalaha. Raadi goorta iyo goobta ballantaada xigta aad ku yeelan doonto. Xubin qoys ama saaxiib ha dhagayso tilmaamaha. 10. Wax ka baro daryeelka caafimaadkaaga iyo daawayntaada. Hel macluumaadka u badan ee aad karto ee kusaabsan daryeelka caafimaadkaaga iyo daawayntaada. Booqo Maktabadeena Caafimaadka ee Onlaynka ah www.swedish.org/healthlibrary. Maktabada onlaynka ah waa ka buuxa xaashiyaha xaqiiqda hab-raaca iyo qalliinka iyo sidoo kale macluumaad kusaabsan ikhtiyaaro xaalado, daawooyin iyo daawayno badan. WAA SAX INAAD WAYDIISO HADDII AAD QABTO SU AALO KUSAABSAN QAYB UUN KAMID AH DARYEELKAAGA, WAA SAX INAAD WAYDIISO. 9

397273-SOMALI (12/13)

Daryeelka suuxinta Waa maxay suuxin? Suuxintu waa adeegsiga daawo markaasoo daawo gaar ah loo isticmaalo in jidhkaaga oo dhan ama qayb kamid ah jidhkaaga lagu gaadhsiiyo inaanu dareemin xanuunka. Suuxintu waxay awood kuu siin inaad ugu dulqaadato qalliinka caafimaad ee qalabka qofka la galinayo ama ka caadiga ah si raaxo leh. Adeegsiga suuxinta ee maantu wuxuu saamaxaya badbaado iyo raaxo aan hore loo arag, oo awood kuu siinaya in ladnaanshahaagu si fiican u bilaabo una soo kabato. Ayaa dadka suuxiya? Daryeelka suuxinta Swedish Medical Center waxaay bixiya dhakhtarka suuxinta oo takhasus-tabobaran oo guddidu caddeeyey iyo Kalkaaliso la Caddeeyey Suuxiyayaal (CRNA). CRNA-gayagu waxay ka hoos shaqeeyaan dhakhtarka suuxinta. Qaar kamid ah dhakhaatiirtayada suuxintu waxay leeyihiin danayn gaar ah iyo tabobar suuxinta wadnaha, carruurta, dhalmada ama qalliinka neerfaha, iyo daawaynta xanuunka daba-dheeraada. Oggolaanshaha kahor Diyaarinta suuxintu waxay bilaabantaa ballantaada Rugta Oggolaanshaha Kahor. Dhakhtar suuxin ama kalkaaliso diiwaangashan ayaa dib-u-eegi shaxdaada kadib waraysigaaga si ay u ogaato inuu jiro wax la socod u baahan. Haddii, kadib waraysigaaga, aad qabtp tabashooyin gaar ah oo ku saabsan xaaladdaada caafimaad iyo suuxinta, Rugtayada Oggolaanshaha Hore waxay u gudbin kartaa su aalahaaga la-taliyahayaga suuxinta. Maalinta qalliinka Maalinta qalliinkaaga, waxa aad la kulmi doontaa dhakhtarkaaga suuxinta, kaasi oo dib-u-eegi doona diiwaanadaada caafimaad, caddayn doonaa wixii su aalo kusaabsan taariikhdaada caafimaad oo qaban doonaa qiimayn uu ku sameeyo qiimaynta. Kadib waxa aad fursad u heli doontaa inaad muujiso doorbidyadaada, kala xaajooto qorshahaaga daryeelka, oo aad heli su aalaha laga jawaabay ee kusaabsanaa faa idooyinka, khaasaaraha, iyo halisaha ka iman kara suuxinta. Waxa lagu waydiin doonaa inaad saxiixdo waraaqda oggolaansho oo u gaar ah suuxinta oo qiraya la xaajoodkaaga dhakhtarkaaga suuxinta iyo fahamkaaga iyo aqbalidda maaraynta suuxinta ee lagu heshiiyey qalliinkaaga. Tusaleyaasha foomkaas ah ayaa halkan kujira. Ilaa inta aanu kala kulmayno Swedish Medical Center, waxaanu kaa rabnaa inaad hesho waayo-aragnimada ugu fiican uguna badbaado badan ee suurogal ah. Taasi oo ka bilaabanta in lagu siiyo macluumaad kusaabsan suuxinta si laguugu diyaariyo si fiican qalliinkaaga soo socda. Waxa aad heli doontaa iimayl ama ogaysiin taleefan oo ka yimaada Emmi Solutions, iyada oo ka wakiil ah Swedish, oo leh tilmaamo aad ku daawato fiidyow onlayn ah oo kusaabsan suuxinta (Emmi ). Waxaanu ku talinaynaa inaad dhammaystirto ugu yaraan 48 saacadood kahor qalliinkaaga. Sidoo kale waxa aad la daawan kartaa barnaamijka inta jeer ee aad doonto dadka aad jeceshahay. Marka aad hesho baadisooca kuu gaarka ah, booqo www.startemmi.com si aad u bilawdo daawashada barnaamijka. Waxaanu rajaynaynaa inaanu kula kulano oo kuu daryeelno si badbaado leh oo xirfad ku dheehan tahay. 11

FOOMKA OGGOLAANSHAHA WAALIDKA EE WAAXDA SUUXINTA SWEDISH MEDICAL CENTER Barashada cilmiga suuxintu waa takhasuska daawada. Suuxiyahaagu waxa weeye dhakhtar loo tababaray inuu ku siiyo daryeelka suuxitaanka waqtiga daawada, qalniinka, ama nidaaamka ilmo ka dhalinta. Daryeelkaaga suuxinta waxaa bixin doona hal suuxiye and suuxiyayaal badan kuwaas oo xubin ka ah Waaxda Suuxinta Swedish. Foomkan Oggolaanshaha Bukaanka wuxuu dhammaystirayaa Oggolaanshaha Qalniinka ama Nidaamyada Kale ee Foomka Baadhitaanka Daawaynta bukaanka. Macluumaadka soo socda waxaa weeye faahfaahin ku saabsan suuxinta ama suuxin si loo isticmaalo oo loo qoro khataro suurtogala inay dhacaan. Macluumaadkan wuxuu si kalsooni ku jirto kuugu suurtogalinayaa inaad fahanto nidaamka suuxinta oo kuu oggalaado inaad waydiiso su aalo suuxiyahaaga. Liiskan maaha inuu ku cabsi galiyo ama uu ka niyad jabiyo inaad nidaam yeelato, laakiin wuxuu kugu wargalinayaa in dhammaan nidaamyada caafimaadka oo dhammi ay leeyihiin khatar, oo ay marmarna dhacdo. Khataraha iyo dhibaatooyinka qaarkood ayaa laga yaabaa inay ku jiraan laakiin uun aan ku xadidnayn: Suuxinta Guud: Yalaalugo, xasaasiyad/cilad dawo daran, cuno xanuun, xabeeb, dhaawac soo gaadha dabnaha/ilkaha/doobta, marinada hawada sanka iyo afka, xanuun, oof, margasho, dhaawac dareen wade, dhaawac isha, dhaawac ku yimaada halboowlayaasha ama xididada, ku baraarugid suuxdin, suuxitaan, curyaamid, faalij, dhaawac wadnaha/sanbabada /maskaxda soo gaadha, iyo dhimasho. Suuxinta Laf dhabarta (xangulada ama laf dhabarta): Dhabar xanuun, madax xanuun, isbadal cadaadis dhiig, isbadalada, hoos u dhac xangulo ama laf dhabarta oo shaqaysa una baahata suuxin guud, dhiigis, cilad daawo, dhib ku timaada neefsashada, xanuun, dhaawac dareen, qalayl, suuxdin. Suuxinta Qayb ahaan: Xanuun yar, ama xanuun, cilad xaasiyad, hoos u dhac ku timaada in qayb ay xayirto shaqada, dhiigis, xanuun, dhaawac dareen, dhaawac ku yimaada halboowlayaasha ama xididada, kabuubyoosho hadhaaya ama tamar daro, xanuun neefsasho, suuxdin, laf dhabar, ama xangulada oo xidhanta, madax xanuun, faalij, dhaawac soo gaadha wadnaha/sanbabada/maskaxda, dhimasho, iyo baahi suuxdin guud. Dhuunta Transesophageal Echocardiography : Cuno xanuun, dhaawac ku yimaada dabnaha, ilkaha, afka, cunaha, hunguriga, ama caloosha, xabeebasho, liqista oo kugu adkaata, liqista oo ku dhibto, margasho, iyo xanuun. Waxaan fahmayaa in suuxdin qaadashada qalniin kasta ama nidaamyada ku lugta leh khatarta, oo balamo iyo damaanad qaadis aan la samayn karin la xidhiidha jawaabtayda la xidhiidha wakiilada suuxinta, daawooyinka kale, ama nidaamyada la xidhiidha daryeelka suuxintayda. Dhammaan nidaamyada ayaa laga yaabaa inay noqdaan khataro qarsoon. Waxaan fahansanahay in nidaamka gaarka ah ee baadhitaan bukaan korjoogis laga yaabo in loo baahdo, sida xididada halbawlayaasha, xididada dhexe, ama dhuunta Transesophageal Echocardiography. Waqtigayga nidaamka, xaaladayda jidheed ayaa laga yaaba inay isbadasho, oo sidaas daraadeedna nooca suuxinta ee/ama kormeeris laga yaabo inay isbadasho. Isbadel kasta oo ku yimaada qorshahayga suuxinta waxaa loo samayn doonaa badbaadayda oo u noqon doonta walaac koowaad ee suuxiyahayga. MUUNADDA Waxaan cadaynayaa inaan ku waraliyey suuxiyahayga iyo daryeel caafimaad bixiyayasha kale ee dhammaan daawooyinka oo dhan, ooy ku jiraan warqada daawo dhakhtar qoray, daawooyinka farmasiiyada caadiga ah laga iibsado, kala doorashooyinka daawaymaha iyo dhammaystirkooda, iyo isticmaalka maandooriyaasha maararowga iyo khamarada kale. Sidoo kale waxaan cadaynayaa inaan ku wargaliyey dhakhtarkayga dhammaan xasaasiyadahayga layaqaan oo dhan, macluumaadkaygii daawooyinka, iyo sidoo kale dhibaatooyinka la xidhiidha mid kastoo ka mida suuxitaanadaydii hore. Waxaan fahansanahay in Swedish ay tahay barista fududaynta, oo dadka degan iyo saaxiibaduba laga yaabao in ay ku lug yeeshaan daryeelka suuxitaankayga ee sida tooska ah u hoos imanaysa kormeerka suuxiyahayga. Sidoo kale gaar ahaan waxaan diidi karaa inaan u oggolaado iyaga inay ka qaybqaataan daryeelkayga. ILAMAA aan si madmadow ku jirin ay ugu cadaato dhakhtarkagya qalniinka iyo suuxiyahayga oo aan jeclaan lahaa in DNR kaygu si uu u soo shaqeey, waxaan fahansanahay oggolaanshaha suuxinta, sidoo kale waxaan oggolahay dib u dhigistii kasta ee muddada kooban naqas siinta amarada ila iyo inta aan si buuxda uga soo loo ladnaanayo waxyeelooyinka suuxinta. Waxaan fahansanahay in la igu wargaliyey kala doorashooyinka suuxintayda, sidoo kale ay ka mid yihiin khataraha iyo faa idooyinka ay leeyihiin kala doorashooyinka kala duwan. Waan aqbalay qorshaha suuxinta, uu ka mid yahay qaabka maamul iyo kormeerista la igala hadlay. Waxaan fahansanahay inaan hore u soo maray fursad ama aan fursad u yeelan doono inaan ku waydiiyo su aalaha oo aana ka hadlo qorshaha suuxintayda ilaa iyo inta aan ku qancayo jawaabaha iyo macluumaadka la bixiyey. Waxaan fahansanahay in laga yaabao inaan ka noqdo oggolaanshahan waqti kasta kahor intaan suuxinta la bilaabin. Saxeexa Bukaanka ama Wakiilka Bukaanka Taariikh Waqtiga Magaca Bukaanka Qoraal/Wakiilka Saxiixa Suuxiyaha Taariikh Waqtiga Magaca Suuxiyaha Ku Qoran PATIENT LABEL SEATTLE, WASHINGTON Form 76248-SOMALI Nonstock Rev. 9/09 CC FOOMKA OGGOLAANSHAHA WAALIDKA EE WAAXDA SUUXINTA SWEDISH MEDICAL CENTER

Qoraalo 13

14 Qoraalo

B R O A D W A Y Jihooyinka iyo baarkinada Cherry Hill 500 17th Ave. Seattle, WA 98122 Ka imanaya koonfur: U raac I-5 waqooyi ilaa bixitaanka James Street Exit (164). Midig u leexo (bari) James Street. James wuxu isu beddeli Cherry Street. Midig u leexo (koonfur) ee 18th Avenue. Midig ugu leexo Jefferson (galbeed). Midig u gal albaabka weyn (waqooyi). Ka imanaya waqooyi: U qaado I-5 koonfur ilaa bixitaanka James Street Exit (165A). Bidix u leexo (bari) James Street. James wuxu isu beddeli Cherry Street. Midig u leexo (koonfur) ee 18th Avenue. Midig ugu leexo Jefferson (galbeed). Midig u gal albaabka weyn (waqooyi). Baarkinka Baarkinka muddada gaaban ayaa laga heli karaa geerashka Plaza Garage. Ka gal dhinaca jidka baaburta ee weyn. Baarkinka muddada dheer ayaa laga heli karaa geershka 16th Avenue Garage, ee 16th Avenue. Dhanka jidka baabuurta ee weyn ee cisbitaalka, midig uga leexo Jefferson (galbeed). Midig uga leexo 16th (waqooyi). Albaabka geerashka wuxu ku yaal sakadda bidixda ku taal. Baarkinka shaqalaha leh ayaa laga heli karaa alaababka weyn. Oggolaanshaha Hore iyo Qalliinka Isdiiwaangalinta Oggolaanshaha Kahor iyo qalliinku waxay ku taalaa miiska diiwaangalinta ee soodhawaynta wayn. First Hill Isbitaalka Weyn Orthopedic Institute 747 Broadway 601 Broadway Seattle, WA 98122 Seattle, WA 98122 Ka imanaya waqooyi: U qaado I-5 koonfur ilaa bixitaanka James Street Exit (No. 165A). Bidix (bari) uu leexo James. Ka imanaya koonfur: U raac I-5 waqooyi ila James Street Exit (No. 164A). Midig (bari) uu leexo James. Soco 6 dhisme ilaa kala goyska James iyo Broadway. Bidix (Waqooyi) uu leexo Broadway. Irridda cusbitaalka wayn waxay ku taal Broadway, 1.5 dhisme ayay bidix ka xigta. Irridda Swedish Orthopedic Institute waxay ku taal Cherry Street, hal dhisme ayuu bidix ka xigta. Baarkinka Cusbitaalka wayn, bidix ugu leexo goolada irridda hore oo raac tilmaamaha geeraashka aada. Orthopedic Institute marka la eego, bidix ugu leexo Cherry Street; irridda geeraashku waxay kaa xigi bidixda. Oggolaanshaha kahor Isdiiwaangalinta Oggolaanshaha Hore (ka wayn iyo ka lafaha) waxay ku taalaa cusbitaalka wayn miiska diiwaangalinta ee soodhawaynta dabaqa koowaad. Qalliinka Isdiiwaangalinta qalliinka cusbitaalka wayn wuxuu ku yaala miiska diiwaangalinta ee soodhawaynta dabaqa koowaad. Isdiiwaangalinta qalliinka Orthopedic Institute wuxuu ku yaalaa dabaqa labaad ee Orthopedic Institute. WAQOOYI Geeraashka Baabuurta WAQOOYI XERADA CHERRY HILL BOREN AVE. I-5 Koonfur Aada Bixitaan 165-A (Bixitaanka James St.) XERADA FIRST HILL M I N O R A V E. 12 th AVE. 14 th AVE. E. CHERRY ST. M A D I S O N S T. E. M A D I S O N S T. M A R I O N S T. 16TH AVE. Madison Medical Tower Geeraashka Baarkinka Minor & Marion MARION ST. C O L U M B I A S T. COLUMBIA ST. CHERRY ST. Geeraashka Baarkinka Minor & James JAMES ST. C H E R R Y S T. MINOR AVE. J A M E S S T. I-5 Waqooyi Aada Bixitaanka James Dhismaha Xirfadeed Jefferson Tower First Hill B O R E N A V E. Dhismaha Dhexe Baarkinka muddo gaaban Swedish Medical Center Xerada Cherry Hill Galbeed Koonfur Galbeed ISKA XAADIRI Orthopedic Institute E. PIKE ST. E. JEFFERSON ST. West Tower Irridda Wayn Ku Dejinta Bukaanka Arnold Pavilion Waqooyi Koonfur Irridda Wayn E. UNION ST. 16 th AVE. 17 th AVE. 18 th AVE. Cherry Hill E. YESLER ST. S. JACKSON ST. EAST CHERRY STREET ISKA XAADIRI East Tower James Tower Dhismaha Kale/ Warshadda Dhexe EAST JEFFERSON STREET MADISON ST. Nordstrom Medical Tower Heath Bldg. Bari ISKA XAADIRI 600 Broadway BOYLSTON AVE. 1401 Madison Bldg. B R O A D W A Y A V E. Swedish Medical Center Xerada First Hill 18TH AVE. Jaamicadda Seattle WAQOOYI 15

A N. Ballard 5300 Tallman Ave. NW Seattle, WA 98107 Ka imanaya waqooyi: U qaado I-5 dhanka koonuf ilaa 85th Street Exit (No. 172). U leexo midig (waqooyi) oo raac 85th. Soco 30 dhisme ilaa kala goyska 85th iyo 15th Avenue NW. U leexo bidix (koonfur) oo raac 15th Avenue NW. Soco 16 dhisme ilaa kala goyska 15th iyo Market Street. U leexo midig (waqooyi) oo raac Market. Soco saddex dhisme oo bidix ugu leexo (koonfur) Tallman Avenue NW. U soo gal migid geereshka. Ka imanaya koonfur: U qaado I-5 dhanka waqooyi ilaa 45th Street Exit (No. 169). U leexo bidix oo raac 45th Street. Ogow: Jidka 45th Street wuxu noqon 46th Street hadana wuxuu noqon Market Street. Ku soco waqooyi Market ilaa 17 dhisme ilaa kala goyska Market iyo 15th Avenue NW. Ka gudub 15th. Soco saddex dhisme oo bidix ugu leexo (koonfur) Tallman Avenue NW. U soo gal migid geereshka. Oggolaanshaha hore iyo qalliinka Isdiiwaangalinta oggolaanshaha hore iyo qalliinka waxay ku yaalaan dabaqa saddexaad ee cusbitaalka dhinaca koonfureed. 22ND AVE. N.W. 20TH AVE. N.W. 17TH AVE. N.W. 15TH AVE N.W. BARNES AVE. N.W. TALLMAN AVE. N.W. WAQOOYI N.W MARKET ST. LEARY WAY N.W. N.W. 85TH ST. N.W. 65TH ST. Swedish Medical Center Xerada Ballard I-5 Koonfur Aada Exit 172 AURORA AVE. N. GREEN LAKE I-5 Waqooyi Aada Exit 169 LAKE UNION N. 45TH ST. Issaquah 751 NE Blakely Drive Issaquah, WA 98029 Ka bilaw bari ama galbeed: U socdaalista bari ama galbeed I-90, qaado bixitaan 18 ee E. Sunset Way/Highlands Drive. Haddii aad bari u socoto, bidix u hayso faraaraha oo dhexgal Highlands Drive NE. Haddii aad bari u socoto, midig ugu leexo (waqooyi) Highlands Drive NE/ E. Sunset Way; sii wad inaad raacdo Highlands Drive NE. Bidix ugu leexo (galbeed) ishaarada gaadiidka ee koowaad NE Discovery Drive (492 fuut). Bidix uga leexo (koonfur) ishaarada xigta 8th Ave. NE. (0.2 mayl). Hoos ugu daadag 8th Avenue ilaa ay ku leexato irridda wayn ee Swedish Issaquah. Isla markaaba midig u leexo si aad u soo gasho baarkinka geeraashka dhulka hoostiisa. Baarkin sidoo kale waa laga heli karaa dhulka dushiisa. Oggolaanshaha kahor Isdiiwaangalinta oggolaanshaha hore waa dabaqa saddexaad. N. W. M A R K E T S T. TALLMAN AVE. N.W. WAQOOYI Ballard Medical Plaza Dhismaha Tallman XERADA BALLARD RUSSELL AVE. N.W. 2 0 T H A V E. N. W. Swedish Medical Center Xerada Ballard BARNES AVE. N.W. Irridda Gurmadka ISKA XAADIRI Geeraashka Baabuurta Swedish/Ballard 5300 Tallman Ave. N.W. N.W. CENTRAL PL. Irridda Wayn Xarunta Daawaynta Shucaaca 1 7 T H A V E. N. W. N. W. 5 3 R D S T. N.W. LONE PL. Qalliinka Isdiiwaangalinta qalliinku waa dabaqa koowaad. Swedish Medical Center Xerada Issaquah H I G H L N. W. G I L M A N B LV D. N.E. DISCOVERY DR. D 8TH AVE. F R O N T S T R E E T N. 7TH AVE. N.E. BLAKELY DR. S D R I V E N E. Exit 18 (Kala-wareegga Sunset) E. S U N S E T W A Y Exit 18 (Kala-wareegga Sunset) ISSAQUAH WAQOOYI 16 www.swedish.org XERADA ISSAQUAH 2015 SWEDISH HEALTH SERVICES. DHAMAANBA XUQUUQDU WAA KAYD. RWS-55259-SOMALI Lawson 455815 3/15