Size: px
Start display at page:

Download ""

Transcription

1 NAFTAADA ILAALI! Aqoon aasaasi ah oo ku saabsan cudurada galmada lagu kala qaado

2 NAFTAADA ILAALI! - Aqoon aasaasi ah oo ku saabsan cudurada galmada lagu kala qaado Qoraalkan dadka akhristaa waxay ka helayaan aqoon ku saabsan sida loo kala qaado cudurka HIV-ga, waxay kaloo ka helayaa warar ku saabsan cudurada kale ee galmada lagu kala qaado. Qoraalkan ujeedadiisu waa in lagu dhiirgeliyo in qofku uu iska baaro cudurada galmada lagu kalo qaado, haddii uu qofku kondom la aan galmo sameeyo, ka dibna uu ka shakiyo inay suuragal tahay inuu cudurada qaaday. Qof walba xil baa ka saaran caafimaadkiisa iyo hab dhaqanka galmadiisa. Ma aha inaad mar walba aammintid in qofka aad galmada wada samaynaysaan uu yahay qof caafimaad qaba, xitaa haduu qofku sidaas ku yiraahdo. Waxaa jira cudurro badan oo galmada lagu kala qaado oo aan astaamo lahayn, waxaa xitaa dhici karta in qofka cudurka qabaa aanu is ogeyn inuu cudurka qabo. Cudurada galmada lagu kala qaado, haddii aan layska daaweyn waxay keeni karaan waxyaabo kala duduwan, tusaale ahaan infakshan, cillado kalagoysyada ah, ma dheleysnimo (ragga iyo dumarkaba). Sida ugu weyn ee uu qofku ku qaadi karo cudurada galmada waa, inuu qofku kondom la aan galmo sameeyo! Sida keliya ee laysaga ilaalin karo cudurada galmada waa in kondom la isticimaalo! 2 Haddii aad ka shakido inaad cudurka qaaday, waa inaad isbaartaa. Cudurada galmada lagu kala qaado baaritaan uun baa lagu ogaan karaa. Xasuuso, dadka aad galmada la samaysayna waa in la baaraa.

3 HIV IYO AIDS HIV (Human Immunodeficiency Virus) waa fayras meel walba oo adduunka ah ka jira oo burburiya nidaamka difaaca ee jirka. Fayrasku wuxuu daciifiyaa qofka isdifaacidiisa, taas oo keeneysa in jirrooyinka kala duduwani ay qofka si sahlan ugu dhici karaan. Sidee loo qaadaa Fayraska HI (Hi-virus)wuxuu qofka ugu dhici karaa, haddii dhiig, ama shahwada ragga ama dheecaanka hore ee ragga ka yimaadda ama dheecaannada siilka oo uu ku jiro fayraska HI uu gaaro xuubabka dheecaanka ama meel jirka ah oo nabar ah, sidaasna uu fayrasku ugu darsamo wareegga dhiigga ee qofka. Fayraska HI (Hi-virus) wuxuu qofka ugu dhici karaa isagoo u raacaya caanaha hooyada. Cudurka HIV-ga wuxuu qofka ku dhici karaa, haddii qofku uu kondom la aan galmo sameeyo. Nabarada iyo cudurada galmada lagu kala qaadaa waxay sii kordhin karaa khatarta ah inuu qofku qaado cudurka HIV-ga. Astaamaha Waxaa dhici karta in qofku muddo dheer aanu lahayn astaamaha cudurka HIV-ga. Muddo ka dib waxaa daciifaya awoodda difaaca ee jirka, waxaana bilaamaysa inuu jirku daciif u noqdo inay cudurro kala duwan ku dhacaan. Ilaa inta heerkaas laga gaarayo iyadoon daawo la isticimaalin waxay qaadan kartaa sannado badan. Waxaa muhiim ah in cudurka si dhakhso ah loo ogaado, dhakhsana loo daaweeyo. Markaas waxaad sidaas ku ilaalinaysaa naftaada iyo qofka galmadu idinka dhaxayso, sidaas baadna uga hortegi kartaa faafi idda cudurka. Midda 3

4 kale waxaa suuroobeysa in daawada la bilaabo wakhtigii loogu talagalay. Daaweynta Laga soo bilaabo sannadkii 1996 Finland waxaa laga isticimaalaa daawooyin waxtar weyn leh. Daawada Antiretroviraali waa daawo yaraysa taranka fayraska. Daawadu waxay keeneysaa in nidaamkii difaaca jirka ee daciifay ay awoodiisu soo noqoto oo gaarto ilaa heer ku dhow kan caadiga ah. Hase yeeshee daawooyinka hadda jiraa ma awoodaan inay fayraska jirka ka saaraan oo ka dhammeeyaan. Cudurka HIV-ga waxaa lagu kala qaadi karaa kondom la aan galmada ah iyo galmada afka, xitaa iyadoo daawada la isticimaalo. 4 Aids Infakshanka HIV-ga heerkiisa ugu dambeeya ayaa waxaa loo yaqaan AIDS (Acquired Immunodeficiency Syndrome). Aids-ka diagnoosigiisa waxaa la sameeyaa marka awoodda difaaca ee jirku ad u daciifto, qofkana uu ku dhaco mid ka mid ah cudurada kale ee dheeraadka ah ee HIV-ga la xiriira.

5 BAARITAANKA LAGU OGAADO HIV-ga Baaritaanka waxaad tagtaa markay 3 bilood ka soo wareegto wakhtigii ay suuragalka ahayd inaad cudurka qaaday, markaas jawaabta baaritaanku waa mid aamminaad leh. Baaritaanka waxaa la sameeyaa iyadoo la baarayo dhiig laga qaado suxulku meeshuu ka laabmo ama dhiigga waxaa laga qaadaa farta. Jawaabta waxaa la ogaadaa 1-3 todobaad. Dhiigga farta laga qaado si degdeg ah ayaad ku ogaan kartaa, jawaabtana waxaad heleysaa 15 daqiiqo ka dib. Goobaha Xarunta Taageerada ee Aids-ka ayaad adigoon magacaaga sheegin iskaga qaadi kartaa baaritaanka lagu baarayo inaad cudurka qaaday iyo in kale, baaritaanku waa lacag la aan. Waxaa kaloo iyana baaritaanka HIV-ga sameeya rugaha caafimaadka ee xaafadaha, goobaha la yiraahdo Pluspiste ee Ururka Laanqayrta Cas ee Finland, bolikilinigyada qaabilsan cudurada wasmada ku faafa, laanta daryeelka caafimaadka ardayda, laanta daryeelka shaqaalaha iyo xarumaha dhakhaatiirta barayfitka ah (waa lacag). Xarunta Taageerada ee Aids-ka (Helsinki, Tampere, Turku iyo Oulu) markaad baaritaanka u tagto ayaad weydiin kartaa wixii su aalo ah ee HIV-ga la xiriira ee adiga welwel kugu haya. Haddii lagaa helo cudurka HIV-ga, shaqaalaha xarunta taageerada ayaad ka heleysaa wixii taageero iyo talooyin ah ee aad u baahan tahay. 5

6 Markaad rabto inaad baaritaan iska qaado, waa inaad ballan ka qabsataa lambarka heeganka ee Xarunta Taageerada ee Aids-ka oo ah Lambarku wuxuu heegan yahay Isniinta ilaa Jimcaha saacadaha u dhexeeya (10 subaxnimo ilaa 3.30 galabnimo). Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan adeegyada Xarunta Taageerada ee Aids-ka waxaad ka heleysaa boggagayaga internetka: / 6

7 KALAMUUDIYA = CHLAMYDIA (KLAMYDIA) Sidee loo qaadaa Waxaa lagu kala qaadaa markuu u gudbo xuubabka dheecaanada iyo haddii aan kondom la isticimaalin galmada ah iyo galmada afka. Astaamaha Astaamaha waxaa la dareemi karaa markay wakhtiguu qofku cudurka qaaday ka soo wareegto maalmood, laakiin cudurka kalamuudiyadu inta badan astaamo ma laha ama astaamihiisu waa daciif. Kalamuudiyada haddii aan layska daaweyn waxay dumarka u keeni kartaa infakshan ku dhaca xubnaha dhalliinka, waxay kaloo ragga iyo dumarkaba u keeni kartaa infakshan ku dhaca kalagoysyada iyo ma dheleysnimo. Daaweynta Daaweynta uu dhakhtarku qoro: kuuro antibiootig ah iyo baaritaan kontorool ah. 7

8 CONDYLOMA ama HPV (fayraska papillooma ee biniaadanka ku dhaca) Sidee loo qaadaa Waxaa lagu kala qaadaa galmada iyo haddii uu taabto xuubabka dheecaanka iyadoo aan kondom la isticimaalin. Astaamaha Dadka fayrasku ku dhaco qaar ka mid ah baa astaamaha lagu arkaa. Cudurkan HPV qofka qaba ee astaamuhu ka muuqdaan finan yar yar (= kondyloomia) baa waxay ka soo baxaan xubnaha taranka. Haddii aanu astaamo lahayn, waxaa dhici karta inuu dumarka u keeno cudurka kansarka. 8 Daaweynta Haddii aad ka shakido inuu cudurkani kugu dhacay, dhakhtar u tag. Dhakhtarka ayaa ku baaraya wuxuuna kuu qorayaa daawada loo baahan yahay wuxuuna kuu ballaminayaa baaritaanka kontoroolka ah.

9 HERPES Herpes wuxuu noqon karaa mid bishmaha ka soo baxa ama wuxuu noqon karaa mid ku dhaca xubnaha taranka. Sida loo qaado Waxaa la qaadaa haddii uu taabto meel nabar ah, ama nabar qolof saarantahay ama meel fin ah. Waxaa kaloo lagu qaadi karaa haddii galmo lala sameeyo qof qaba cudurkan noociisa xubnaha taranka, cudurkan noociisa bishmaha waxaa lagu kala qaadaa galmada afka oo sidaas buu ugu gudbi karaa xubnaha taranka ama bishmaha. Herpeskahaddii aanu astaamo lahayn sida caadiga ah laysma qaadsiiyo. Astaamaha Astaamaha herpeskuwaxay muuqdaan markay wakhtiguu qofku qaaday cudurka ka soowareegaan 2-12 maalmood. Inta badan astaamuhu waa meesha cudurka qabta ayaa waxay yeelataa xanuun iyo cuncun. Meesha cudurka qabta waxaa ka soo baxa finan dheecaan ku jiro, finanku dhowr maalmood ka dib ayey dilaacaa, ka dibna qolof baa fuusha. Herpesjirkuu si qarsoodi ah ugu haraa. Waxaa laga yaabaa inuu qofka ku soo cusboonaado, haddii tusaale ahaan uu qofku isteres yeesho ama shaqada jirku nuglaato infakshan kale dartiis, dumarkana wakhtiga caadada oo kale. Daaweynta Herpesku ma laha daawo baabi sa laakiin astaamaha cillada waa la yarayn karaa ama waa laga hortegi karaa iyadoo daawo la isticimaalayo. 9

10 JABTADA (jabtida) Sidee loo qaadaa Haddii aan kondom la isticimaali waxaa lagu kala qaadaa wasmada galmada ah iyo wasmada afka. Gacmuhuna waxay u gudbin karaan indhaha. Astaamaha Astaamuhu waxay qofka ka muuqdaan markuu cudurka qaado 1-14 maalmood ka dib, Laakiin cudurka jabtadu wuxuu noqon karaa mid aan astaamo lahayn. Astaamuhu waxay noqon karaan kaadida oo qofka gubta. Jabtada dabada ku dhacdaa inta badan astaamo ma laha. Jabtada gacmaha ku faaftaa waxay keeni kartaa infakshan indhaha ku dhaca. Jabtada haddii an layska daaweyn waxay ragga iyo dumarkaba u keeni kartaa ma dheleysnimo. Daaweynta Daaweynta uu dhakhtarku qoro: kuuro antibiootig ah iyo baaritaan kontorool ah. 10

11 WARAABOW AMA XABBAD (KUPPA) Sidee loo qaadaa Haddii aan kondom la isticimaali waxaa lagu kala qaadaa wasmada galmada ah iyo galmada afka. Astaamaha Astaamuhu waxay qofka ka muuqdaan markuu wakhtiguu cudurka qaaday ay ka soo wareegto 3-6 todobaad. Marka hore qofku wuxuu isku arkaa astaamaha hore oo khafiif ah (dhaawac bilow ah iyo qanjirada sinta gudeheeda oo barara). 2-4 bilood ka dib qofku wuxuu isku arkaa astaamo daran (qandho, xanuun, dhuun xanuun iyo astaamo maqaarka ah). Cudurka waraabowga haddaan la daaweyn wuxuu isu beddeli karaa heerka dambe ee syphilis, kaas oo sannado ka dib dhaawac u geysta xubnaha xarunta dareenka laga xukumo iyo xubnaha wareegga dhiigga. Treatment Prescribed antibiotics by doctor and control sample. 11

12 CAGAARSHOWGA B (HEPATIITTI B) Cagaarshowga B waa infakshan beerka ku dhaca. Sidee loo qaadaa Waxaa lagu kala qaadaa dheecaanka shahwada, dheecaanka siilka iyo dhiigga. Dadka uu cudurku ku dhaco qaar ka mid ah waxay isku arkaan astaamaha cagaarshowga B infakshankiis. Astaamaha Astaamuhu waxay qofka ku bilowdaan markay maalmood ka soo wareegaan wakhtiguu cudurku ku dhacay. Bilowga hore cudurka cagaarshowgu astaamo ma laha. Astaamaha ugu horeeya waxaa ka mid ah murqo xanuun, lalabbo, daal, cunto xumo(abitayd la aan), mantag, shuban iyo qandho. Astaamaha kale ee cudurku leeyahay waa maqaarka iyo indhaha qaybtooda caddaanka ah oo midabkoodu jaalle noqdo iyo kaadida oo xoogaa madow noqota. Daaweynta Cudurka waad ka hortegi kartaa oo waad iska tallaali kartaa. Dhakhtar waa inaad u tagtaa. 12

13 CAGAARSHOWGA C (HEPATIITTI C) Cagaarshowga fayraska C waa cudur infakshan beerka ah oo koronik ah. Sidee loo qaadaa Waxaa lagu kala qaadaa dhiigga, Sida ugu badanna waa markay dadka isticimaala daroogooyinka xididka layskaga duro wada isticimaalaan silingeyaasha iyo cirbadda silingaha afkiisa. Cagaarshowga C waxaa kaloo lagu kala qaadaa haddii kondom la aan qof cudurka qaba wasmo lala sameeyo. Astaamaha Astaamuhu waxay qofka ku bilowdaan markay maalmood ka soo wareegaan wakhtiguu cudurku ku dhacay. Bilowga hore cudurka cagaarshowgu astaamo ma laha. Astaamaha ugu horeeya waxaa ka mid ah murqo xanuun, lalabbo, daal, cunto xumo(abitayd la aan), mantag, shuban iyo qandho. Astaamaha kale ee cudurku leeyahay waa maqaarka iyo indhaha qaybtooda caddaanka ah oo midabkoodu jaalle noqdo iyo kaadida oo xoogaa madow noqota. Daaweynta Qiyaastii boqolkiiba ah dadka uu cudurku ku dhaco kama baxo oo waxay noqdaan dad cudurka sida. Ma jiro tallaal lagaga hortago cagaarshowga nooca fayraska C -da. Cagaarshowga A (Hepatiitti A) wasmada laguma kala qaado! 13

14 14

15 INJIRTA BISQINTA AMA SHUUNKA (SATIAISET) Waa injir yar yar oo midabka jirka oo kale leh oo dhererkoodu yahay 1-3 millimitir. Jirka ayey dhiigga ka nuugaan, shuunka (bisqinta) ayeyna ugxan ku dhalaan. Sidee loo qaadaa Waxaa lagu kala qaadaa gogosha sariirta iyo haddii jirku istaabto. Astaamaha Bisqinta ama shuunka ayey injirtan yar yar waxay u keentaa cuncun. Astaamuhu waxay bilowdaan markuu qofku qaado 1-3 todobaad ka dib. Daaweynta Injirtan yar yar waxaa lagu daaweeyaa shaambo daawo ahoo farmashiyada lagu gado. Sida caadiga ah waxaa fiican inaad todobaad ka dib daawada haddana mar kale isticimaasho. Markaad daawada bilowda, waa inaad kastuumooyinka iyo dharka gogosha iyo shukumanadaba dhaqdaa oo iska beddeshaa. 15

16 SCABIES (SYYHY) Scabies waxaa keena dulin la yiraahdo sarcoptes scabiei (syyhypunkit) oo dhererkiisu yahay 0,3-0,5 millimitir. Sidee loo qaadaa Markuu jirka taabto ayaa la qaadaa. Cudurkan haddii wasmada lagu kala qaado, wuxuu leeyahay astaamo aad u daran, gaar ahaan fiidkii iyo habeenkii. Astaamaha Cuncun bilowda markay wakhtiguu qofku cudurka qaaday ka soo wareegto 3-6 todobaad. Jirka waxaa ka soo baxa calaamado iyo finan yar yar oo biyo galeen. Haddii finanka la xoqo, waxay keeni karaan inuu jirku infakshan yeesho, finankuna dheecaan jeeshaan. Daaweynta Dulinka sarcoptes scabiei waxaa layskaga daaweeyaa daawo dareere ah oo farmashiyaha laga helo. Daawada markaad isticimaasho waa inaad haddana todobaad ka dib mar labaad isticimaashaa. Dadka guriga lagu wada nool yahay iyo qofka wasmadu idinka dhaxayso waa in la daaweeyaa, xitaa haddii aanay weli lahayn astaamaha cudurka. 16

17 17

18 18

19 HAWSHA HIV-GA EE DHAQAMADA KALA DUDUWAN EE XARUNTA TAAGEERADA AIDS-KA (AIDS- TUKIKESKUKSEN MONIKULTTUURINEN HIV-TYÖ) Hawsha HIV-ga ee dhaqamada kala duduwan waa in laysku dayo in la kordhiyo aqoonta ay dadka waddanka u soo guurey u leeyihiin HIV-ga iyo in laga hortag faafitaanka cudurka HIVgu, si aanu ugu faafin dadka waddanka u soo guurey dhexdooda. Waxaa kaloo laysku deyeyaa in dadka uu ku dhacay cudurka HIV-gu iyo ehelkooduba ay helaan taageero ay ka helayaan dad ay isku xaalad ku sugan yihiin. Hawshan hadafkeedu waa in horumar lagu sameeyo hababka iyo hawlaha cusub ee ku saabsan ka hortagga cudurka iyo taageerada uu qofka cudurka qaba iyo ehelkiisu ka helayaan dadka kale ee ay isku xaaladda ku sugan yihiin. Hawsha HIV-ga ee dhaqamada kala duduwan waxay ka kooban tahay: tababarro loogu talagalay dadka waddanka u soo guurey tababarro loogu talagalay dadka ka shaqeeya xirfadaha kala duwan ee caafimaadka iyo arrimaha bulshada waxqabadyada taageerada laga helo dadka isku xaaladda la yahay wargelinta caalamiga ah iyo ogaanshaha hawlaha caalamiga ah horumarinta adeegyada iyo tababarrada ee Xarunta Taageerada ee Aids-ka waxaa loogu talagalay dadka waddanka u soo guurey 19

20 Aasaasiyadda HIV-ga / Xarunta Taageerada ee Aids-ka Lambarka laga gudbiyo telefoonada (Isniinta Jimcaha 9-16) Lambaraka heeganka ee laga qabsado ballanta wakhtiga la samayn doono baaritaanka HIV-ga lagu baarayo (Isniinta Jimcaha ) /

Ask Remote Assistance Windowsxp iyo Windows7

Ask Remote Assistance Windowsxp iyo Windows7 Ask Remote Assistance Windowsxp iyo Windows7 waa barnaamish kuu saamaxaayo ama kuu ogolaanaayo adoo qaarad kale joogo uu ku caawiyo qof xirfad uleh oo lagu magacaabo expert adigoo adeegsanaayo internet.

More information

Waxaa Suurogal Ah In Lagu siiyo Macaashka kabitaanka ah ee Lambarka Bulshada (SSI)

Waxaa Suurogal Ah In Lagu siiyo Macaashka kabitaanka ah ee Lambarka Bulshada (SSI) Waxaa Suurogal Ah In Lagu siiyo Macaashka kabitaanka ah ee Lambarka Bulshada (SSI) 2013 Waxaa Suurogal Ah In Lagu siiyo Macaashka kabitaanka ah ee Lambarka Bulshada (SSI) Waa maxay SSI? Macaashka Kabitaanka

More information

OVERACTIVE BLADDER AND URGENCY KAADI-HAYSTA KACSAN IYO DEGDEGGA

OVERACTIVE BLADDER AND URGENCY KAADI-HAYSTA KACSAN IYO DEGDEGGA WHAT IS? The bladder is a muscle which contracts to empty the bladder when it is full and you are ready to empty. An overactive bladder means the bladder contracts before it is full. It can sometimes contract

More information

Substance Abuse or Dependence

Substance Abuse or Dependence Substance Abuse or Dependence Substance abuse is a pattern of using alcohol or drugs that leads to problems in a person s life. These problems can: Put others at risk, such as when driving, working with

More information

Somali CANCER AWARENESS IN THE MUSLIM COMMUNITY INFORMATION SHEET KA WACYI-GELINTA KANSARKA BULSHADA MUSLIMKA AH WARQADDA MACLUUMAADKA

Somali CANCER AWARENESS IN THE MUSLIM COMMUNITY INFORMATION SHEET KA WACYI-GELINTA KANSARKA BULSHADA MUSLIMKA AH WARQADDA MACLUUMAADKA Somali CANCER AWARENESS IN THE MUSLIM COMMUNITY INFORMATION SHEET WHAT IS THE AIM OF THIS LEAFLET? The aim of this leaflet is to improve cancer awareness amongst the Muslim families settled in UK. The

More information

Ammaanka Kursiga Baabuurka iyo Kuraasta Buustarka

Ammaanka Kursiga Baabuurka iyo Kuraasta Buustarka Ammaanka Kursiga Baabuurka iyo Kuraasta Buustarka Safety with Car Seats and Booster Seats Car crashes are the main cause of accidental death and serious injury of children. Correctly using a car or booster

More information

Sida Cuntooyinku u Saameeyaan Sonkorta Dhiiga: Hage loogu talogalay Bukaanada Soomaalida ee Sonkorowga qaba

Sida Cuntooyinku u Saameeyaan Sonkorta Dhiiga: Hage loogu talogalay Bukaanada Soomaalida ee Sonkorowga qaba Sida Cuntooyinku u Saameeyaan Sonkorta Dhiiga: Hage loogu talogalay Bukaanada Soomaalida ee Sonkorowga qaba How Foods Affect Blood Sugar: A Guide for Somali Patients with Diabetes Authors: Jocelyn James,

More information

Outreach. Newsletter SOMALICAN SOMALI. Inside this Issue: ENGLISH. Tusmada Caddadkan: Volume 2, Issue 4 APRIL, 2010

Outreach. Newsletter SOMALICAN SOMALI. Inside this Issue: ENGLISH. Tusmada Caddadkan: Volume 2, Issue 4 APRIL, 2010 SOMALICAN Outreach Volume 2, Issue 4 APRIL, 2010 Newsletter SOMALI COMMUNITY ACCESS NETWORK SomaliCAN 700 Morse Rd Columbus, OH 43214 614-781-1414 info@somalican.org Inside this Issue: ENGLISH DD Council

More information

QAYBAHA UU KA KOOBANYAHAY DARYEELKA CAAFIMAADKA DEGMADA DAKOTA OGEYSIISKA KU SAABSAN DHAQANKA ASTURAN

QAYBAHA UU KA KOOBANYAHAY DARYEELKA CAAFIMAADKA DEGMADA DAKOTA OGEYSIISKA KU SAABSAN DHAQANKA ASTURAN QAYBAHA UU KA KOOBANYAHAY DARYEELKA CAAFIMAADKA DEGMADA DAKOTA OGEYSIISKA KU SAABSAN DHAQANKA ASTURAN Hirgalaya Abriil 14, 2003 Wax Laga Baddalay Maarxo 22, 2010 OGEYSIIKAN AYAA QEEXAYA SIDA MACLUUMAADKA

More information

SAY FGM WAXYEELAYNTA SAXAAXA HAWEENKA. Batulo Essak, Eriikka Sailo & Kati Illahe

SAY FGM WAXYEELAYNTA SAXAAXA HAWEENKA. Batulo Essak, Eriikka Sailo & Kati Illahe SAY NO TO FGM WAXYEELAYNTA SAXAAXA HAWEENKA Batulo Essak, Eriikka Sailo & Kati Illahe Soo saarid: Africarewo ry (African Care Women) Farshaxanka: Susanna Dementjeff Dhismaha buugga: Abcultura / abcultura.com

More information

Xeerka iyo magangelyada Dublin II. Horudhaca gaaban ee dadka magan-gelyo doonkaee jooga Yurub dhexdeeda

Xeerka iyo magangelyada Dublin II. Horudhaca gaaban ee dadka magan-gelyo doonkaee jooga Yurub dhexdeeda Xeerka iyo magangelyada Dublin II ee Poland Horudhaca gaaban ee dadka magan-gelyo doonkaee jooga Yurub dhexdeeda Hadda waxaad joogtaajamhuuriyada dalka POLAND dadweynuhuna waa 38 milyan, luuqada rasmiga

More information

Small Business Health Options Program - SHOP (Barnaamijka Fursadaha Caafimaadka Shirkadaha Yar-yar)

Small Business Health Options Program - SHOP (Barnaamijka Fursadaha Caafimaadka Shirkadaha Yar-yar) DHS-6740A-SOM 10-13 Small Business Health Options Program - SHOP (Barnaamijka Fursadaha Caafimaadka Shirkadaha Yar-yar) Halka aad ka dooraneyso caymiska caafimaadka Arjiga caymiska caafimaadka ee shaqaalaha

More information

naafaynta saxaaxa dumarka

naafaynta saxaaxa dumarka Qoraalkan waxaad ka dalban kartaa: Socialstyrelsens kundtjänst, 120 88 Stockholm. Ama goobta Interneetka oo adreeskeeda ah: www.sos.se/plus/skrift.htm Fax: 08-779 96 67 Lambarka buugga ama lambarka qoraalka

More information

Somali Glossary of Special Education Terminology

Somali Glossary of Special Education Terminology Somali Glossary of Special Education Terminology The purpose of this glossary is to assist Somali interpreters, translators and teachers so that they can provide more accurate interpretation of special

More information

Find Hidden Words (Decoding Strategy)

Find Hidden Words (Decoding Strategy) Find Hidden Words (Decoding Strategy) Ask your child: Finding smaller words in larger ones. 1. Do you see a little word inside the big word? (e.g. Saturday, reading, snowman) Comment trouver de petits

More information

EACH. Enabling Change Rebuilding Lives EACH. Enabling Change. Rebuilding Lives

EACH. Enabling Change Rebuilding Lives EACH. Enabling Change. Rebuilding Lives EACH Enabling Change Rebuilding Lives EACH Enabling Change Rebuilding Lives EACH...working with diverse communities to help people address their alcohol, drug, mental health and domestic violence concerns.

More information

Cid waliba waxa ay haysaa hadal ay odhan lahayd

Cid waliba waxa ay haysaa hadal ay odhan lahayd Marka ilmuhu hadli waayo Marka uu uu ilmuhu hadli waayo mamaxaynu samaynaa markaa? xaynu samaynaa markaa? Buug-yareloogu loogutalogalay talogalaywaalidiinta waalidiintamarka markauu uuilmuhu ilmuhu Buug-yare

More information

INTRODUCING THE INAUGURAL ENTREPRENEUR S RESOURCE EXPOSITION.

INTRODUCING THE INAUGURAL ENTREPRENEUR S RESOURCE EXPOSITION. INTRODUCING THE INAUGURAL ENTREPRENEUR S RESOURCE EXPOSITION. The purpose of this event is to provide access and information about resources and opportunities available to small business entrepreneurs

More information

Repairs and maintenance

Repairs and maintenance Repairs and maintenance Phone 020 7364 5015 Email leasehold@ towerhamletshomes.org.uk For Leaseholders Website www.towerhamletshomes.org.uk If you need help, here s how to get in touch Contact us Website

More information

MRI (Magnetic Resonance Imaging)

MRI (Magnetic Resonance Imaging) MRI (Magnetic Resonance Imaging) A MRI is a safe, painless test. It uses radio waves and a magnetic field to take pictures of soft tissues, organs and bones. The pictures provide information that can help

More information

i Urtehagen barnehage på Grønland i Oslo

i Urtehagen barnehage på Grønland i Oslo i Urtehagen barnehage på Grønland i Oslo Somalisk Kalluunka iyo cunto-badeedka qof walba ayaa cuno ayadoo loo eegin dhaqankooda, diintooda ama jinsigooda. Waxaan qabnaa caado cunto kala duwan, kullanka

More information

Daryeelka Naftaada Kaddib Marka aad Dhasho

Daryeelka Naftaada Kaddib Marka aad Dhasho Taking Care of Yourself After Your Baby's Birth Somali Waxbarashada Bukaanka Waxbarashada Xilliga Dhalmada Daryeelka Naftaada iyo Carruurtaada Daryeelka Naftaada Kaddib Marka aad Dhasho Hambalyo adiga

More information

Story 3 The Cat and the Mouse. A long time ago there was a cat and a mouse that. agreed to travel together. As they walked along, the cat s

Story 3 The Cat and the Mouse. A long time ago there was a cat and a mouse that. agreed to travel together. As they walked along, the cat s A long time ago there was a cat and a mouse that agreed to travel together. As they walked along, the cat s mouth began to water because she was so hungry. The cat began to yawn and to stare at the mouse.

More information

Back to School. What s inside. Translation

Back to School. What s inside. Translation 2013 Back to School What s inside 2013-14 School Calendar Page 1 Letter from the Superintendent Page 2 Getting Ready for School Page 3 Transportation Page 4 Safety Page 5 Health and Nutrition Pages 6-7

More information

Cancer Screening for Men

Cancer Screening for Men Cancer Screening for Men Cancer is a health problem that can often be cured or managed when it is found early. Here are guidelines to check for some common cancers that affect men. Screening is checking

More information

Marka uu ilmuhu hadli waayo maxaynu samaynaa markaa?

Marka uu ilmuhu hadli waayo maxaynu samaynaa markaa? Marka uu ilmuhu hadli waayo maxaynu samaynaa markaa? Buug-yare loogu talogalay waalidiinta marka uu ilmuhu keeni waayo hadal la fahmi karo. Cid waliba waxa ay haysaa hadal ay odhan lahayd Buug-yarahan

More information

Housing List Application

Housing List Application Answer all questions on this form fully & truthfully or your application will be delayed. Please use a black ball point pen and write in block capitals. If you need help filling in this form please contact

More information

Miralax and Dulcolax Bowel Prep for Colonoscopy

Miralax and Dulcolax Bowel Prep for Colonoscopy Miralax and Dulcolax Bowel Prep for Colonoscopy A bowel prep is done to clear the bowel of all solid matter. Its purpose is to prepare the bowel for surgery or a procedure. Please follow these instructions.

More information

TOWER HAMLETS MENTAL HEALTH AND WELL BEING SERVICES DIRECTORY

TOWER HAMLETS MENTAL HEALTH AND WELL BEING SERVICES DIRECTORY TOWER HAMLETS MENTAL HEALTH AND WELL BEING SERVICES DIRECTORY NEED HELP URGENTLY? NHS Direct T 0845 46 47 W www.nhsdirect.nhs.uk Contact your GP Find A Doc Service T 020 7655 6685 T 020 7364 5016 E www.nhs.uk/pages

More information

Get free help with your taxes. Youth kick off recycling effort at four KCHA properties

Get free help with your taxes. Youth kick off recycling effort at four KCHA properties The mission of the King County Housing Authority is to provide quality affordable housing opportunities and to build communities through partnerships. We encourage self-sufficiency and we protect the dignity

More information

Housing List Application

Housing List Application Answer all questions on this form fully & truthfully or your application will be delayed. Please use a black ball point pen and write in block capitals. If you need help filling in this form please contact

More information

Arthritis. Signs of Arthritis

Arthritis. Signs of Arthritis Arthritis Arthritis occurs when the joints in the body are inflamed or there is a breakdown of cartilage in the joints. Joints are places in the body where two or more bones meet, such as the hip or knee.

More information

Fo ræ ld reti lfred s h eds u nd e rs ø gelse. BøRNOG"''"' M Aarhus Kommune. Parent satisfaction survey 2011 2011,!l rl:-) ç9r Èñil Lptll ct: r..,!

Fo ræ ld reti lfred s h eds u nd e rs ø gelse. BøRNOG''' M Aarhus Kommune. Parent satisfaction survey 2011 2011,!l rl:-) ç9r Èñil Lptll ct: r..,! BøRNOG"''"' M Aarhus Kommune Fo ræ ld reti lfred s h eds u nd e rs ø gelse Parent satisfaction survey 2011 2011,!l rl:-) ç9r Èñil Lptll ct: r..,!l Baarista ku qanaca adeegsadaha eezo11 Memnuniyet araçtrrmasr

More information

Preventing Infections When Your White Blood Cell Count is Low

Preventing Infections When Your White Blood Cell Count is Low Preventing Infections When Your White Blood Cell Count is Low Low white blood cell (WBC) count is called neutropenia. Chemotherapy, radiation therapy, other treatments or an illness may cause a low WBC

More information

DIIWAANKA EREYBIXINTA AF-SOOMAALIGA

DIIWAANKA EREYBIXINTA AF-SOOMAALIGA (URURINTA KOWAAD) DIIWAANKA EREYBIXINTA AF-SOOMAALIGA (Ereybixinta Maamulka & Afka) 1 Diyaarintii Cabdalla Cumar Mansuur Akademiye-Goboleedka Af-soomaaliga 2014 Centro Studi Somali Università Roma Tre

More information

EMPLOYMENT AND SUPPORT ALLOWANCE

EMPLOYMENT AND SUPPORT ALLOWANCE EMPLOYMENT AND SUPPORT ALLOWANCE From 27 th October 2008 there is a new benefit, Employment and Support Allowance, for people who are claiming because they are sick or disabled and unable to work. It replaces

More information

Tilmaanta Bukaan-socodka: Isu Diyaarinta Qaliinka/Hawsha Caafimaadka A Patient s Guide: Preparing for Your Surgery/Procedure (Somali)

Tilmaanta Bukaan-socodka: Isu Diyaarinta Qaliinka/Hawsha Caafimaadka A Patient s Guide: Preparing for Your Surgery/Procedure (Somali) Tilmaanta Bukaan-socodka: Isu Diyaarinta Qaliinka/Hawsha Caafimaadka A Patient s Guide: Preparing for Your Surgery/Procedure (Somali) Ku Soo Dhawoow Swedish Medical Center (Xarunta Caafimaadka Swedishka).

More information

A claim form for Housing Benefit and Council Tax Support

A claim form for Housing Benefit and Council Tax Support A claim form for Housing Benefit and Council Tax Support If you need help or more information, please contact Hounslow Revenue Services either by phone on 020 8583 4242 or or in in person at at any any

More information

BUUG TILMAAMEED AH XILI DHALAAN KA GUDUBKA

BUUG TILMAAMEED AH XILI DHALAAN KA GUDUBKA BUUG TILMAAMEED AH XILI DHALAAN KA GUDUBKA Waxyaabaha aad u baahantahay in aad gaat inteysan ilmahaagu sadex jirsan EARLY CHILDHOOD TRANSITION GUIDEBOOK Smali versin BUUG TILMAAMEED AH XILI DHALAAN KA

More information

Active Range of Motion Exercises: Wrists, Elbows, Forearms and Shoulders

Active Range of Motion Exercises: Wrists, Elbows, Forearms and Shoulders Active Range of Motion Exercises: Wrists, Elbows, Forearms and Shoulders Repeat each exercise times, times a day. Do only the exercises that are checked. Do these exercises with: Both arms Right arm Left

More information

BACK TO SCHOOL IS HERE!

BACK TO SCHOOL IS HERE! B2 BACK TO SCHOOL IS HERE! B El regreso a la escuela ya está está aquí! Waxaa soo dhawaatay xiligii lugu noqon lahaa dugsiyada! Rov tuaj kawm ntawv los txog lawm! B School starts: Monday, August 25 - Grades

More information

Looking after your new kitchen and bathroom

Looking after your new kitchen and bathroom Looking after your new kitchen and bathroom A guide to caring for your newly refurbished home Phone 020 7364 5015 Email contactus@ towerhamletshomes.org.uk Website www.towerhamletshomes.org.uk A If you

More information

Got it covered? We can help you prepare for the unexpected

Got it covered? We can help you prepare for the unexpected Glasgow Housing Association www.gha.org.uk Your home Home contents insurance Got it covered? We can help you prepare for the unexpected Better homes, better lives, a better Glasgow We can produce information

More information

Be Our Partner for Safe Health Care

Be Our Partner for Safe Health Care Be Our Partner for Safe Health Care There are many things we do to keep you safe and prevent errors while you receive health care. We need you and your family to be a partner in your health care to keep

More information

Parkinson s Disease. Signs. Your Care

Parkinson s Disease. Signs. Your Care Parkinson s Disease Parkinson s disease affects the part of the brain that controls muscle movement. The exact cause of this disease is not known, but there is a decrease in a chemical called dopamine

More information

A community-based newspaper serving the Puget Sound area since 1981. The newspaper of Neighborhood House BY CECILIA MATTA.

A community-based newspaper serving the Puget Sound area since 1981. The newspaper of Neighborhood House BY CECILIA MATTA. FREE EACH MONTH A community-based newspaper serving the Puget Sound area since 1981 The Voice The newspaper of Neighborhood House VOLUME 25 ISSUE 5 May 2006 Articles translated into six languages Event

More information

Carers Count. Findings from the Carers Survey 2009-10. www.rbkc.gov.uk

Carers Count. Findings from the Carers Survey 2009-10. www.rbkc.gov.uk Carers Count Findings from the Carers Survey 2009-10 www.rbkc.gov.uk 2 Carers Count Thank you to the 474 carers who took the time to complete the lengthy carers survey. This has provided valuable feedback

More information

War and Peace: An anthology of Somali literature. Suugaanta Nabadda iyo Colaadda. Introduced and edited by / Iskudubbaridkii iyo gogoldhiggii

War and Peace: An anthology of Somali literature. Suugaanta Nabadda iyo Colaadda. Introduced and edited by / Iskudubbaridkii iyo gogoldhiggii War and Peace: An anthology of Somali literature Suugaanta Nabadda iyo Colaadda Introduced and edited by / Iskudubbaridkii iyo gogoldhiggii Rashiid Sheekh Cabdillaahi Gadhweyne Collected by Axmed Aw Geeddi

More information

ű Ű ű ű ű űű ű ő ő ű ű ő ő ő Ű ű ő ő Ű ő ű ű ő ű ű Ű ű Ő ű ű Ő Ű ű ű Ű Ű ő ű Ű ű ű ű Ű Ű Ű ő ő ű ő ű Ű Ő ő ő Ő ő ű ő ő Ő ű Ű ű ő Ű Ő ű ő ő ű Ő Ű ű ő ő ő Ő Ű Ő ű ő ű ű Ű Ű ű Ű ű Ű ű Ű Ű ű ű ű Ő ŰŐ ő Ű ő

More information

Idris Ahmed. Young lives full of promise. Favorite Subject: chemistry College Plan: Stanford University

Idris Ahmed. Young lives full of promise. Favorite Subject: chemistry College Plan: Stanford University SCHOOLS In his words Hoover High school student tells his story of fleeing war-torn Somalia and overcoming major hardships. [ P4] C I T Y l HEIGHTS AZALEA PARK FAIRMOUNT VILLAGE HOLLYWOOD PARK SWAN CANYON

More information

B A B I V H A S I L P E N E L I T I A N D A N P E M B A H A S A N

B A B I V H A S I L P E N E L I T I A N D A N P E M B A H A S A N B A B I V H A S I L P E N E L I T I A N D A N P E M B A H A S A N 4. 1 G a m b a r a n U m u m L o k a s i P e n e l i t i a n 4. 1. 1 P T. H o l c i m I n d o n e s i a, T b k. PT. H o l c i m I n d o

More information

Paying your rent You ve got nine easy ways to pay

Paying your rent You ve got nine easy ways to pay Glasgow Housing Association www.gha.org.uk You and GHA Rent payments Paying your rent You ve got nine easy ways to pay Better homes, better lives We can produce information on request in large print, Braille,

More information

Home Appreciation Loan Equity release with no monthly repayments PRIVATE SECTOR HOUSING INFORMATION LINE

Home Appreciation Loan Equity release with no monthly repayments PRIVATE SECTOR HOUSING INFORMATION LINE Home Appreciation Loan Equity release with no monthly repayments PRIVATE SECTOR HOUSING INFORMATION LINE 0114 273 4646 Helping you for a better quality to improve your of home life INTRODUCTION The Council

More information

Repairing and Maintaining Your Home. Repairing and Maintaining Your Home. Great homes, positive people, strong communities

Repairing and Maintaining Your Home. Repairing and Maintaining Your Home. Great homes, positive people, strong communities Repairing and Maintaining Your Home Repairing and Maintaining Your Home Great homes, positive people, strong communities 2 Repairing and Maintaining Your Home This leaflet will tell you about: The repairs

More information

How to Quit Smoking. Getting Ready to Quit

How to Quit Smoking. Getting Ready to Quit How to Quit Smoking Smoking is dangerous to your health. Quitting will reduce your risk of dying from heart disease, blood vessel disease, lung problems, cancer and stroke. Talk to your doctor about quitting.

More information

Your close and backcourt maintenance services

Your close and backcourt maintenance services Glasgow Housing Association www.gha.org.uk Your home Neighbourhood environmental services Your close and backcourt maintenance services Better homes, better lives We can produce information on request

More information

Section 2 Assessment

Section 2 Assessment Section 2 Assessment The translation of each phrase is in the following order ARABIC BENGALI CHINESE CZECH FARSI FRENCH GUJARATI HINDI ENGLISH POLISH PORTUGESE PUNJABI SOMALI SWAHILI TURKISH URDU Assessment

More information

You Y r ou ho ho e Asbestos

You Y r ou ho ho e Asbestos Your home Asbestos 2 Your home Large print format available If someone in your household needs this information in large print or as an audio recording please contact our Customer Service Centre on 020

More information

Healthy bladder guide Information for patients

Healthy bladder guide Information for patients Healthy bladder guide Information for patients Welcome It is normal to go to the toilet between four to eight times per day and no more than once a night. Poor bladder habits can lead to poor bladder control

More information

Early Childhood Family Education (ECFE)

Early Childhood Family Education (ECFE) Early Childhood Family Education (ECFE) 2014-2015 Class Catalog and Registration Invest in your child s future A program of Minneapolis Early Childhood Education Call 612.668.2127 or visit us online at

More information

How to make a complaint about your care

How to make a complaint about your care How to make a complaint about your care This leaflet tells you what to do if you wish to raise any concerns about your care and what will happen if you do this. Overall, the feedback we get from patients

More information

Empty Properties advice and information. abcde. Because homes were built to be lived in. www.walthamforest.gov.uk

Empty Properties advice and information. abcde. Because homes were built to be lived in. www.walthamforest.gov.uk Empty Properties advice and information Because homes were built to be lived in www.walthamforest.gov.uk abcde The Empty Property Team Waltham Forest Council s Empty Property Team actively encourages the

More information

Your Rights and Responsibilities

Your Rights and Responsibilities Your Rights and Responsibilities A Charter for Consumers of the South Australian Public Health System National Library of Australia Cataloguing-in-Publication entry Title: Your rights and responsibilities

More information

Prostate cancer follow-up Who do I call if?

Prostate cancer follow-up Who do I call if? Prostate cancer follow-up Who do I call if? Key Worker Details (named nurse) Mon Fri 9am 4pm (answerphone when unattended) Via Switchboard 01895 238282 and ask for Ext. 2674 Introduction This leaflet gives

More information

Social Services for Adults. Services for people with physical impairments

Social Services for Adults. Services for people with physical impairments Social Services for Adults Services for people with physical impairments September 2003 Contents 1. How do Social Services help people with a physical impairment? 2. What kinds of services are available?

More information

Promoting and Supporting

Promoting and Supporting DHS-2497-ENG 5-10 Long-Term Care Consultation Services Promoting and Supporting Independent Community Living Minnesota Department of Human Services Attention. If you want free help translating this information,

More information

Parent Information for USING A NASOGASTRIC TUBE

Parent Information for USING A NASOGASTRIC TUBE Parent Information for USING A NASOGASTRIC TUBE The information sheet has been written for parents whose baby / child requires a nasogastric tube for short or long term feeding. WHAT IS A NASOGRASTRIC

More information

Managing Menopause. Signs

Managing Menopause. Signs Managing Menopause Menopause is a stage in a woman s life when the hormone levels of estrogen and progesterone decrease in the body. As hormone levels decrease, menstruation may be irregular and will eventually

More information

TENANTS GUIDE. Repairs and improvements

TENANTS GUIDE. Repairs and improvements TENANTS GUIDE Repairs and improvements Contents Decoration 3 Repairs that you do 4 Repairs that we do 4 Right to Repair scheme 6 Priorities for repairs 8 Reporting repairs and getting the work done 11

More information

Diabetes and Kidney Problems

Diabetes and Kidney Problems Diabetes and Kidney Problems The kidneys remove waste from the body, remove excess fluids, and keep important proteins in the body. If diabetes is not well controlled, high blood sugar can harm the blood

More information

Healthy bowel guide Information for patients

Healthy bowel guide Information for patients Healthy bowel guide Information for patients Welcome It is normal to open your bowels from between three times a day to three times a week. If you need to strain excessively, do not feel completely empty

More information

Central and North West London NHS Foundation Trust. Change to CNWL Max Glatt Unit: Consultation document. www.cnwl.nhs.uk

Central and North West London NHS Foundation Trust. Change to CNWL Max Glatt Unit: Consultation document. www.cnwl.nhs.uk Change to CNWL Max Glatt Unit: Consultation document Change to CNWL Max Glatt Unit: Consultation document Introduction This document summarises the consultation process on proposed changes to Central and

More information

Spanish. Part I: Diseases, Conditions, Surgeries Quantity Form # English Title/Spanish Title Rev. Date

Spanish. Part I: Diseases, Conditions, Surgeries Quantity Form # English Title/Spanish Title Rev. Date Helping Hands Non-English Order Form Page 1 of 18 Helping Hand Order Form These Helping Hands are available as of 9/24/12. The REV. DATE is the origination date or last revision, whichever is later. DIRECTIONS:

More information

Housing Application Form

Housing Application Form HS1 Housing Application Form To be used by all persons wishing to join the Housing Register including Housing Association and Southampton City Council tenants If you need help completing this form please

More information

Refuse and recycling storage for new dwellings Planning guidance. December 2013

Refuse and recycling storage for new dwellings Planning guidance. December 2013 Refuse and recycling storage for new dwellings Planning guidance December 2013 Refuse and Recycling Storage For New Dwellings Refuse and Recycling Storage For New Dwellings Supersedes Section 8 of Part

More information

. g .,, . . , Applicability of

More information

South. Spring 2013. Class Schedule. South Seattle Community College. April 1 - June 14. www.southseattle.edu (206) 934-5300

South. Spring 2013. Class Schedule. South Seattle Community College. April 1 - June 14. www.southseattle.edu (206) 934-5300 Spring 2013 April 1 - June 14 Class Schedule South South Seattle Community College in West Seattle www.southseattle.edu (206) 934-5300 Continuing Education - 38 elearning - 26 Ready, Set, Transfer - back

More information

Early Childhood Family Education (ECFE)

Early Childhood Family Education (ECFE) Early Childhood Family Education (ECFE) Call 612.668.2127 or visit us online at Class Catalog & Registration 2015-16, Semester 1 http://ecfe.mpls.k12.mn.us or www.facebook.com/mps.ecfe Fun, affordable

More information

Primary Care Plus Enrollment Booklet

Primary Care Plus Enrollment Booklet Primary Care Plus Enrollment Booklet 1 Table of Contents Welcome to Primary Care Plus (PC Plus)!... 3 What is PC Plus?... 3 Medicaid or Dr. Dynasaur Managed Care... 3 Important:... 3 How to join PC Plus...

More information

Information for women after ultrasound detection of fetal renal pelvic dilatation (RPD)

Information for women after ultrasound detection of fetal renal pelvic dilatation (RPD) Information for women after ultrasound detection of fetal renal pelvic dilatation (RPD) The aim of this leaflet is to help explain what renal pelvis dilatation (RPD) means and to answer some of the questions

More information

Money worries? Strong Communities, Excellent Services, Decent Homes

Money worries? Strong Communities, Excellent Services, Decent Homes Money worries? Strong Communities, Excellent Services, Decent Homes Do you have money worries? Many people are in debt these days, for all sorts of reasons. Changes in your life such as a new baby, relationship

More information

handbook for residents at stable Way

handbook for residents at stable Way & Chelsea TMO extend a warm welcome to all residents of Stable Way. We began managing the site from 2 January 2012 on behalf of the Royal Borough of and Chelsea and the London Borough of Hammersmith and

More information

Tenants Paradigm s Service Standards

Tenants Paradigm s Service Standards Tenants Paradigm s Service Standards Making sure we deliver the best possible service to all of our customers Welcome to Paradigm s Service Standards At Paradigm, we want to provide all our customers with

More information

Guidelines and Treatment of Anaphylaxis

Guidelines and Treatment of Anaphylaxis Guidelines and Treatment of Anaphylaxis This leaflet explains anaphylaxis and what to do if your child suffers from this severe form of allergic reaction. Anaphylaxis Anaphylaxis is a dangerous type of

More information

COMMUNICABLE DISEASE

COMMUNICABLE DISEASE Public Health Activities & Services Inventory Technical Notes COMMUNICABLE DISEASE CLINICAL SERVICES, SURVEILLANCE AND CONTROL In 2014, decision was made to adopt number of national public health activities

More information

Oesophageal Stent Insertion

Oesophageal Stent Insertion Oesophageal Stent Insertion What is a Stent? A stent is a tube made of a flexible metal mesh. It is passed by mouth into the oesophagus (gullet) and positioned across the area that has narrowed. This is

More information

Mid-Hudson Adherence to Antipsychotic Medications for People Living With Schizophrenia

Mid-Hudson Adherence to Antipsychotic Medications for People Living With Schizophrenia Adherence to Antipsychotic Medications for People Living With Schizophrenia 83 81 71 70 68 68 66 71 A. Behavioral Health 880 151 396 134 325 41 317 65 63 The percentage of recipients living with schizophrenia,

More information

What is Capsule Endoscopy?

What is Capsule Endoscopy? What is Capsule Endoscopy? Capsule Endoscopy involves swallowing a small (the size of the large vitamin pill) capsule, which contains a colour camera, battery, light source and transmitter. The camera

More information

University education 2014

University education 2014 Education 25 University education 2 Number of university students decreased and that of degrees increased in 2 According to Statistics Finland's Education Statistics, a of 6,8 students attended university

More information

GENERAL, LAPAROSCOPIC & BARIATRIC SURGERY/IRFAN I. WADIWALA, D.O.

GENERAL, LAPAROSCOPIC & BARIATRIC SURGERY/IRFAN I. WADIWALA, D.O. GENERAL, LAPAROSCOPIC & BARIATRIC SURGERY/IRAN I. WADIWALA, D.O. REGISTRATION OR 13323 Dotson Rd Suite 210 Houston, TX 77070 Ph. 281-653-6544 ax. 281-807-9702 (Please Print) Today s date: PCP: PATIENT

More information

Tamil Indic Input 2 User Guide

Tamil Indic Input 2 User Guide Tamil Indic Input 2 User Guide Tamil Indic Input 2 User Guide 1 Contents WHAT IS TAMIL INDIC INPUT 2?... 2 SYSTEM REQUIREMENTS... 2 TO INSTALL TAMIL INDIC INPUT 2... 2 TO USE TAMIL INDIC INPUT 2... 3 SUPPORTED

More information

DHAXALREEB. 8th Hargeysa International Book Fair. Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa. Presents. NIGERIA Guest Country

DHAXALREEB. 8th Hargeysa International Book Fair. Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa. Presents. NIGERIA Guest Country DHAXALREEB Xagaaga 2015 Presents Redsea Cultural Foundation with Partners Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa 8th Hargeysa International Book Fair 1st - 6th August NIGERIA Guest Country Xagaa,

More information

Tamil Indic Input 3 User Guide

Tamil Indic Input 3 User Guide Tamil Indic Input 3 User Guide Contents 1. WHAT IS TAMIL INDIC INPUT 3?... 1 1.1. SYSTEM REQUIREMENTS... 1 1.2. APPLICATION REQUIREMENTS... 1 2. TO INSTALL TAMIL INDIC INPUT 3... 1 3. TO USE TAMIL INDIC

More information

HOKKAIDO UNIVERSITY. Graduate School of Medicine Guidebook of the Doctoral Program. www2.med.hokudai.ac.jp/en/

HOKKAIDO UNIVERSITY. Graduate School of Medicine Guidebook of the Doctoral Program. www2.med.hokudai.ac.jp/en/ HOKKAIDOUNIVERSITY Graduate School of Medicine Guidebook of the Doctoral Program www2.med.hokudai.ac.jp/en/ Early career development as a researcher of basic medicine Early career development as a clinical-practice-oriented

More information

Dr. Irfan Wadiwala Board Certified General Surgeon

Dr. Irfan Wadiwala Board Certified General Surgeon : (281) 807-9702 (Please Print) E- AIL ADDRESS: PCP: PATIENT INORATION Patient s last name: irst: iddle: q r. q rs. q iss q s. arital status (circle one) Single / ar / Div / Sep / Wid Is this your legal

More information

OREGON HEALTH PLAN (OHP) HANDBOOK

OREGON HEALTH PLAN (OHP) HANDBOOK OREGON HEALTH PLAN (OHP) HANDBOOK November 2015 This document can be provided upon request in an alternate format for individuals with disabilities or in a language other than English for people with limited

More information

EBT. Minnesota. How to Use Your Minnesota EBT Card. Questions? (888) 997 2227. Call Customer Service 24 hours a day 7 days a week

EBT. Minnesota. How to Use Your Minnesota EBT Card. Questions? (888) 997 2227. Call Customer Service 24 hours a day 7 days a week DHS-3315A-ENG 3-10 Minnesota Department of Human Services Electronic Benefit Transfer (EBT) How to Use Your Minnesota EBT Card Minnesota EBT 6104231234567890 What is your Minnesota Electronic Benefit Transfer

More information

Tuition Reimbursement Program. Handbook

Tuition Reimbursement Program. Handbook EMPLOY EE Tuition Reimbursement Program Handbook For Employees... Ed u c a t i o n m a d e a f f o r d a b l e! A t t h e E r n e s t O r l a n d o L a w r e n c e B e r k e l e y N a t i o n a l L a b

More information